Ciidamada Abiy Ahmed oo khasaare la gaarsiiyey iyo wararkii ugu dambeeyey dagaalka gobolka Tigrayga

Addis Ababa (Caasimada Online) – Ku dhowaad 100 askari oo Ethiopian ah ayaa dhaawacyo looga daweeyey gobolka Amhara ee waqooyiga dalkaas, sida ay maanta sheegeen saraakiil caafimaad, taasi oo muujineysa in dagaalka uu sii xoogeysanayo.

Khasaarahan ayaa imanaya ayada oo Abiy iyo hogaamiyayaasha militariga ay ku faaneen guulo ka dhan ah ciidamada daacadda u ah TPLF.

Isgaarsiinta oo laga jaray gobolka Tigrayga ayaa adkeyneysa in la xaqiijiyo hadallada kasoo baxaya mas’uuliyiinta, hase yeeshee waddooyinka gobolka Amxarada ayaa inta badan lagu arkayaa baabuurta gurmadka deg degga ah oo isbitaallada ula ordaya askar dhaawac ah.

Dhaqtar ku sugan magaalada Sanja ayaa AFP u xaqiijiyey in 98 askari laga daweeyey dhaawacyo xabadeed.

“Waxaan haynaa 98 kiis, dhammaantoodna waa ciidamo ka tirsan kuwa dowladda,” ayuu dhaqtarka oo qariyey magaciisa u sheegay AFP.

Waxa uu sheegay in dhaawcayada lasoo gaarsiiyey ay yihiin kuwa fudud, hase yeeshee dhaawacyada halista ah la geeyey isbitaallada waa weyn ee magaalada Gondar iyo magaalooyinka kale.

Sidoo kale, lix dagaallame ayaa lagu dilay in ka badan 60 kalena waa lagu dhaawacay dagaal ka dhacay meel u dhow xadka ay wadaagaan gobollada Tigray iyo Amhara, iyadoo uu labada dhinacba khasaare ka soo gaaray dagaalka, sida ilo bani’aadamnimo ay Axadda maanta ah u sheegeen Reuters.

Isku dhacyada u dhaxeeya ciidamada federaalka iyo xoogagga Tigreega ayaa ka dhacay 8 goobood oo ka tirsan gobolka, sida lagu sheegay qoraal Sabtidii ka soo baxay xafiiska isku-dubaridka howlaha bani’aadanimada QM ee OCHA.