Hooyo umul aheyd iyo laba caruurteeda kamid ah oo lagu dilay duleedka Muqdisho

Warsheekh (Caasimada Online) – Inta la xaqiijiyey seddax qof ayaa lagu dilay laba kalena dhaawacyo ayaa ka soo gaaray weerar caawa ka dhacay duleedka degmada Warsheekh ee gobolka Shabeellada Dhexe.

Weerarkaas waxaa fuliyey koox hubeysan waxaana lagu dilay Hooyo umul aheyd, canugii ay dhashay oo 40-cesho aan gaarin iyo wiil kale oo ay dhashay oo 3-sano jir ahaa.

Sidoo kale kooxdaas ayaa dhaawacday Hooyo kale iyo wiil ay dhashay oo ku sugnaa guriga uu weerarkaasi ka dhacay oo ku yaalla meel duleedka ha degmada Warsheekh.

In kastoo aan si rasmi ah loo ogeyn sababta ka dambeysay weerarkaas, hadana waxaa lala xariirinayaa aanooyin qabiil oo waayihii dambe ka taagnaa deegaanada ku xeeran degmada Warsheekh ee gobolka Shabeellada Dhexe.

Weerarrada noocaan ah ayaa mudooyinkii dambe ku soo badanayey gobolka Shabeellada Dhexe, laba bilood ka hor, 17-kii Sebtember ayaa sidaan oo kale koox weerar u soo qaaday waxay hal meel ku dishay lix culumo ah oo Qur’aan akhris ku jirtay, iyagoo dhaawacay mid kale, waxuuna falkaasi ka dhacay duleedka Raaga-Ceelle.