FILISH oo xilalkii ka qaaday dhowr guddoomiye degmo

Muqdisho ( Caasimada Online) – Gudoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, Cumar Maxamed Maxamed (Filish) ayaa maanta xilalkii ka qaaday afar guddoomiye degmo, kadib wareegto kasoo baxday xafiiskiisa, taas oo ay aragtay shabakadda wararka ee Caasimada.

Guddoomiyeyaasha xilalka laga qaaday ayaa kala ah guddoomiyaha degmada Xamarweyne Cabdiqaadir Maxamed Cabdiqaadir, guddoomiyaha Kaaraan Abshir Kaaraan, guddoomiyaha Waabari Cabdicasiis Cismaan Jaamac & guddoomiyaha Hiliwaa Cabdixakiin Cumar Cabdulle.

Sidoo kale duqa magaalada Muqdisho ayaa guddoomiyaha cusub ee maamulka degmada Heliwaa u magacaabay, Mire Salaad Dhuxulow, halka ku simeyaal guddoomiye loo magacaabay degmooyinka kale ee Xamarweyne, Kaaraan iyo Waabari ee gobolka Banaadir.

Xilka guddoomiyaha Xamarweyne ayaa waxaa sii heynaya Maxamed Axmed Idow oo ah ku xigeenka dhinaca amniga ee degmadaasi, sidoo kale waxaa sina si kumeel gaar ah xilka guddoomiyaha Waabari loogu magacaabay Jamaal Cali Maxamed isna ah ku xigeenka amniga degmada, halka Kaaraan ku sime looga dhigay Deeq Xasan Sheekow oo ah guddoomiye ku xigeenka amniga ee degmadaasi.

Tallaabada xilka qaadista ee uu qaaday Cumar Filish ayaa aheyd mid la filayey, isla-markaana si aad ah looga hadal hayey baraha bulshada ee Internet-ka.