DAAWO: Qoysaska DADKII lagu xasuuqay Sh/Hoose oo diiday in la aaso meydadka

Muqdisho (Caasimada Online) – Dibadda Isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho waxaa isu soo bax ka dhigay ehellada toddoba qof oo shalay lagu dilay gobolka Shabeellada Hoose kadib markii uu dagaal dhaxmaray ciidamada AMISOM, gaar ahaan kuwa dalka Uganda iyo kuwa Al-Shabaab.

Ehellada dadka la laayay ayaa ku eedeeyay ciidamada Uganda inay si bareer ah u dileen toddobada qof oo ay dhamaantood ku sheegeen inay ahaayeen rayid aan waxba galabsan. Ehelladu waxa kaloo ay sheegeen inaan la aasin doonin maydadka inta ay caddaalad ka helayaan.

Maydadka toddobada qof ayaa hadda lagu hayaa qaboojiyaha isbitaalka Digfeer, iyadoo xalayna baaris loogu diray xarunta dambi baarista booliska ee magaalada Muqdisho.

Qaar kamid ah qoysaska dadkii shaley lagu dilay Shabeellaha Hoose ayaa sheegay in meydadka aanan la aasi doono tan iyo inta caddaaladda ka helayaan.

“Dowladda waa inay kasoo jawaabtaa codsigeena, intaa umadda waxay maanta meeshan isugu timid waa in aan caddaalad helnaa..waxaan usoo banaanbaxnay oo aan meeshan u nimid meydka aan u aasi la’nahay caddaalad baan u baahanahay” ayuu yiri Axmed Maxamuud Xaashi oo walaalkii kamid ahaa dadkii lagu dilay Golweyn.