Madaxii xabsiyada ee Al-Shabab oo u gacan galay DF

Muqdisho (Caasimada Online) – Idiris Cabdullaahi Macalin oo loo garan ogyahay “Food Cade” ayaa waxa uu kasoo goostay kooxda Al-Shabaab, wuxuuna isku soo dhiibay ciidamada dowladda, sida uu shaaciyey Taliska ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed.

Taliska Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed gaar ahaan qeybta 60-aad ayaa magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay kusoo bandhigay Sarkaalkan kasoo goostay Al-Shabaab, kaasi oo ahaa madaxii ilaalinta xabsiyada.

Food Cade ayaa waxa uu ka howl-gali jiray degmada Xarardheere ee gobolka Mudug, wuxuuna xarakada ka tirsanaa muddo lagu sheegay 7 sanno, isagoo oo ka qeyb galay dagaalo faro badan oo ka dhacay Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Sarkaalkan ayaa dib uga laabtay fikirkii uu hore dadka ugu gumaadi jiray, wuxuuna warbaahinta u mariyey xubnaha kale ee ka tirsan kooxda Al-Shabaab inay isaga soo tagaan oo aan loo adeegsan daadinta dhiiga shacabkooda.

Ma aha markii u horeysay ee ciidamada dowladda ay soo bandhigaan Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab oo u soo goostay dhanka dowladda, waxayna kusoo aadeysa xili ay socdaan howl-galo ballaaran oo dagaalyahanada kooxdaas looga xoreynayo dalka.