Sheekh Yuusuf Caynte oo jawaab culus kasoo saaray liiskii kasoo baxay Qoorqoor

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Dr. Sheekh Yuusuf Cali Caynte, oo kamid ahaa musharixiintii laga reebay liiska dadka u tartamayo xubnaha Aqalka Sare ee kasoo galayo maamulka Galmudug, ayaa ka hadlay go’aanka uu qaatay madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor.

Sheekh Yuusuf ayaa sheegay inuu buuxiyey dhammaan shuruudihii looga baahnaa qofka musharaxa ah, wuxuuna xusay inaysan jirin sifo sharci ah oo looga hor istaagay inuu isku soo sharaxo xilkaas.

Sheekh ayaa Shacabka Soomaaliyeed u sheegay in go’aanka uu qaatay madaxweynaha Galmudug uu yahay ku takrifal awoodeed iyo xadgudub ka dhan ah xuquuqda muwaadinka Soomaaliyeed.

Sheekh Yuusuf ayaa tilmaamay in madaxweynaha Galmudug uu diidan yahay rabitaanka Baarlamaanka, isagoo xusay inuu hubo in cod aqlabiyad leh lagu dooran lahaa haddii si xor iyo xalaal ah loo tartami lahaa.

Halkaan hoose ka akhriso qoraalka uu Sheekh Yuusuf kusoo daabacay barteeda Facebook

Bismillahi Raxmani Raxiim.

Waxaan codkeyga ku biirinayaa inta ka dhiidhisay sida uu madaxweynaha Galmudug u maamulay doorashada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya. Go’aanka uu madaxweyne Axmed Qoorqoor ku qaatay inuu muwaadiniin Soomaaliyeed duudsiiyo xuquuqdooda dastuuriga ah waa mid baal-marsan dastuurka dalka, midka Galmudug Ivo dhaqanka suubban ee Soomaalida.

Waxaan kamid ahaa muwaadiinta Soomaaliyeed ee isku soo taagay xilka Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, waxaanna buuxiyey dhammaan shuruudaha looga baahan yahay murashaxa. Ma jirto sifo sharci ah oo la iiga hor istaagi karay inaan isku sharroxo xilkaas. Sidaas darteed, waxaan ummadda Soomaaliyeed u caddeynayaa in go’aanka kasoo baxay Madaxweyne Axmed Qoorqoor uu yahay ku takrifal awoodeed iyo xadgudub ka dhan ah xuquuqda muwaadinka Soomaaliyeed.

Mar haddii si sharci darro ah la iiga hor istaagay inaan waxqabadkeyga iyo barnaamijkeyga siyaasadeed horgeeyo mudanayaasha baarlamaanka Galmudug, waxaa meeshaas ka caddaatay in la diiddan yahay rabitaanka baarlamaanka Galmudug, oo aan hubo iney cod aqlabiyad ah igu dooran lahaayeen haddii aan si xor ah oo xalaal ah u tartarmi lahaa.

Ugu dambeyntii, waxaan ka digayaa cawaaqib xumada ka dhalan karta booobka doorashooyinka iyo ku takarifalka awoodda siyaasadda. Waxaan ugu baaqayaa guud ahaan ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan reer Galmudug, iney had iyo goor u hiilliyaan xaqa Ivo caddaaladda.

Allaa mahad leh.