Baarlamanka Galmudug oo maanta qaaday TALLAABO culus oo looga hortagayo musharaxiinta malxiiska ah

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Guddiga qabashada Doorashada Aqalka sare ee Baarlamaamka Galmudug ayaa soo saaray Habraaca Doorashada Aqalka sare ee Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Galmudug, kaasoo ay qodobadiisu yihiin kuwo ka adag habraacii maamul goboleedyada kale.

Qodobka ugu culus ee habraacan ayaa ah inaan cod gacan taag ah loogu codeyn musharaxii loo tanaasulo, balse uu ka raadsado xildhibaanada cod kalsooni ah.

“Haddii musharax uu u tanaasulo musharax kale, waxaa qasab ku ah musharaxa loo tanaasuley in sanduuqa cod qarsoodi ah loogu codeeyo, oo hadii uu waayo 50+1 tirada guud ee Baarlamaanka Galmudug loo celiyo madaxwaynaha markale,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay guddiga qabashada doorashada Galmudug.

Go’aanka kasoo baxay guddiga doorashada Galmudug ayaa ah mid looga hortagayo in musharax loo tanaasulo kadibna midka kale uu si toos ah usoo baxo, taasoo ka dhacday maamul Goboleedyada kale oo ay ugu dambeysay Puntland.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Dr. Maxamed Nuur Gacal ayaa muddo badan u ololeenayey inaan kuraasta Aqalka Sare ee Galmudug loo xirin shakhsiyaad gaar ah, balse waxaa muuqato in arrintaan looga adkaaday kadib markii madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor uu kuraasta u xiray shakhsiyaad isaga aad ugu dhow, waxayna shuruudaan adag u muuqataa mid looga jawaabayo taallabada uu qaaday.

Doorashada Lix kursi oo kamid ah kuraasta Aqalka sare ee Galmudug ayaa la filayaa in Maalinta Berri ah lagu qabto Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulkaas, waxaana ku tartamayo illaa 12 musharax oo 6 kamid ah ay yihiin malxiis lana filayo inay tanaasulaan marka doorashada bilaabato.

Halkaan hoose ka akhriso wareegtada kasoo baxday guddiga doorashada Baarlamaanka Galmudug