Xog: Sida Qoor Qoor u kala qeybiyey lixda kursi iyo dhinacyada uu qanciyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa shaaciyey liiska musharaxiinta 6 ka mid ah kuraasta Aqalka Sare ee laga soo dooranayo Galmudug.

Qoor Qoor ayaa dib usoo celiyey saddex ka mid ah xubnaha hadda ku jira Aqalka Sare, wuxuuna meesha ka saaray saddex kale, oo uu ugu weyn yahay guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Aqalka Sare Abshir Bukhaari, ayna wehliyaan Abuukar Axmed Xaashi iyo Jawaahir Axmed Cilmi.

Xubnaha lasoo celiyey waxa ay kala yihiin; Cabdi Axmed Dhuxulow Dhagdheer, Yuusuf Geelle Ugaas, iyo Samsam Daahir Maxamuud.

Marka aad eeegto liiska, iyo sida uu Qoor Qoor u maareeyey, waxaa muuqata in Qoor Qoor uusan si gaar ah ugu daneyn dhinac, balse uu dhinacyo badan qanciyey, abaal-mariyey saaxiibadiis, islamarkaana wax isku xeeriyey.

Haddaba aan eegno, xubnaha uu sharxay Qoor Qoor, beelaha ay kasoo jeedaan iyo dhinacyada ay raacsan yihiin siyaasad ahaan, innaga oo xooga saareynaa lixda xubnood ee aan hubno in la dooran doono, oo aan isku dhibi doonin xubnaha malxiisayaasha ah.

Kursiga koowaad: Waxaa u sharaxan Cabdi Axmed Dhuxulow Dhagdheer iyo Nuur Xasan Guutaale, oo kasoo jeeda beesha Murusade. Kursigan waxaa mar kale ku guuleysan doona oo la salxay Dhagdheer oo hadda ku fadhiya, ayada oo laga reebay musharaxiintii uu loolanka ugu adag kala kulmi lahaa, oo kala ah; Sheekh Yuusuf Cali Caynte iyo Jaahweyn.

Xulashada Dhagdheer, wuxuu Qoor Qoor ku saleeyey saaxiibtinimada ka dhaxeysa isaga Dhagdheer oo isku ah kooxda Waayo Arag. Si kastaba, waxaa si kale xulashadan uga faa’iideysanaya Xasan Cali Kheyre oo Dhagdheer ay isku dhow yihiin.

Kursiga labaad: Kursigan waxaa u sharaxan Yuusuf Geelle Ugaas iyo Daahir Faarax Fiidow oo kasoo jeeda beesha Duduble. Yuusuf Geelle oo hadda kursigan ku fadhiya ayaa mar kale dib u qaadan doona dhib la’aan. Yuusuf Geelle, oo mar damcay inuu u wareegto Golaha Shacabka, ayaa xilli dambe is-beddelay, si uu Aqalka Sare usii joogo.

Si la mid ah Dhagdheer, Yuusuf Geelle wuxuu ka tirsan kooxda Waayo Arag, wuxuuna aad ugu dhow yahay madaxweyne Qoor Qoor. Inkasta oo lagu riixo Kheyre iyo Guuleed, haddana waxaa la rumeysan yahay in waxa kaliya ee ka huban Yuusuf Geelle ay tahay inuu si weyn u macaaradsan yahay Farmaajo.

Kursiga saddexaad: Qoor Qoor ayaa kursigan u sharxay Saciid Siyaad Shirwac iyo Maxamed Daahir Maxamed, oo kasoo jeeda beesha Saleebaan. Kursigan, oo uu ku guuleysan doono Saciid Siyaad Shirwac, waxaa horey ugu fadhiyey guddoomiye ku-xigeenka Aqalka Sare Abshir Bukhaari, oo aan liiska lagu soo darin.

Saciid Siyaad waxay isku dhow yihiin Cabdikariim Guuleed, hase yeeshee sidoo kale wuxuu saaxiib la yaay Qoor Qoor, waxaana xulashadiisa ay qancisay labadaas dhinac. 

Soo saarista Saciid Siyaad, waxaa kursigiisa golaha shacabka ku weyn doona Abtidoon Yare, oo ay jufo ahaan wadaagaan hal kursi, taasi oo macnaheedu yahay in Abshir Bukhaari uu hadda u tartami karo kursi Golaha Shacabka ah.

Kursiga Afaraad: Kursigan waxaa loo sharxay Samsam Daahir Maxamuud iyo Farxiya Maxamed Guure, oo kasoo jeeda beesha Waceysle, waxaana la filayaa inay dib ugu guuleysato Samsam oo hadda kursiga ku fadhisa.

Madaxweyne Qoor Qoor ayaa kursigan ku qanciyey madaxweyne Farmaajo oo Samsam taageero ay u aheyd intii uu kursiga fadhiyey, taasi oo muujineysa sida Farmaajo weli saameyn ugu leeyahay Qoor Qoor.

Kursiga shanaad: Kursigan wuxuu Qoor Qoor u sharxay Cabdixakiim Macallin Axmed iyo Ismahaan Cabdi Xuseen, oo kasoo jeeda beesha Ceyr, waxaana la filayaa inuu ku guuleysto Cabdixakiim. Kursigan waxaa hadda ku fadhisa Jawaahir Axmed Cilmi.

Kursigan wuxuu Qoor Qoor si cad ugu qanciyey Farmaajo, sababtoo ah Cabdixakiim wuxuu taageero aan gabasho laheyn u muujiyey muddo kororsigii Farmaajo, waxaana ku nacay oo soo eryey tolkiisa. Maadaama, xildhibaanada golaha shacabka ay soo sharxaan qabaa’ilka, oo Cabdixakiin uusan taageero ka heleyn, waxaa Qoor Qoor lagu qasbay inuu Cabdixakiim siiyo kursi Aqal Sare ah.

Kursiga lixaad: Qoor Qoor wuxuu kursigan u sharaxay Duniyo Maxamed Cali iyo Qadra Cabdullahi Isxaaq, oo kasoo jeeda beesha Dir, waxaana ku guuleysan doonta Duniya, oo hadda ah xildhibaan ka tirsan golaha shacabka. Kursigan waxaa hadda ku fadhiya Abuukar Axmed Xaashi.

Qoor Qoor kursigan kuma qancin cid gaar ah, wuxuuna xulashada Duniya ku saleeyey abaal ay u gashay, mar ay ka furfurtay cadaadis ka saarnaa beesha Dir ee degta Galmudug. Ma jirto cid ka mid ah musharaxiinta oo Dunida ay si aad ah ugu dhowdahay, waxaase lagu tiriyaa dhanka madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.