Koox awood leh oo xulufo la noqotay ciidanka Tigray-ga, kuna sii jeeda Addis Ababa

Addis Ababa (Caasimada Online) – Hoggaamiye xagjir ah oo Itoobiyaan ah ayaa sheegay in kooxdiisa ay isbaheysi Militari la sameysatay ciidamada Tigrayga oo hadda kusii jeeda caasimadda dalkaas ee Addis Ababa, xilli colaadii ka qaraxday gobolka Tigray sanadkii hore ay ku fidday qaybaha kale ee dalka labaad ee Afrika ugu dadka badan.

“Xalka kaliya ee hadda jira ayaa ah in dowladdan si milatari ah loo afgembiyo, laguna hadlo luuqadda ay rabaan in lagula hadlo,” ayuu yiri hoggaamiyaha Ciidanka Xoreynta Oromada Kumsa Diriba, oo sidoo kale loo yaqaan Jaal Marroo, xilli uu wareysi siiyey Associated Press.

Isbaheysiga cusub oo uu hoggaamiyahaan la yeelanayo kooxda TPLF ayaa ah astaan muujineyso in collaadii kasoo bilaabatay dhulka Tigreyga Bishii November ay gaartay meel xun, wuxuuna dagaalkaan markii hore kasoo bilowday khilaaf siyaasadeed oo soo kala dhex galay Ra’isuwasaare Abiy Ahmed iyo hoggaamiyeyaasha Tigreega oo xukumayey dawladda Itoobiya ku dhawaad 30 sano.

Kumanaan qof ayaa lagu dilay dagaalka sagaalka bilood socday gobolka Tigray, waxaana ciidamada Dowladda Itoobiya lagu eedeeyey inay deegaanada qowmiyadda Tigreega ka geysteen  kufsi wadareedyo, sidoo kalana waxaa dagaalka ka dhashay macluul iyo barakac xooggan.

Hoggaamiyaha Ciidanka Xoreynta Oromada ayaa sheegay in heshiiska uu la galay TPLF la gaaray dhowr todobaad ka hor kadib markii ay hoggaamiyaasha Tigreega sidaas soo jeediyeen.

“Waxaan ku heshiinnay heer isfaham si aan isaga kaashanno hal cadow, gaar ahaan iskaashiga dhanka milateri, waxaan wadaagnaa macluumaadka goobta dagaalka waxaana u dagaallanaa si isbarbar socda,” ayuu yiri Diriba.

Sidoo kale, hoggaamiyaha ayaa sheegay inuu socdo wadahadal isbaheysi dhanka siyaasadda ah, wuxuuna tilmaamay inay jiraan kooxo kale oo wada-hadal lagula jiro isagoo carabka kusii adkeeyey inay jiri doonaan isbaheysiyo waaweyn oo ka dhan ah taliska Abiy Axmed.

Isbahaysigaan ayaa waxaa ku midoobayo Jabhadda Xoreynta Dadweynaha Tigray, oo hore udub dhexaad u aheyd dowladdii Itoobiya balse si weyn uga hor timid midda uu hoggaamiyo Abiy Axmed iyo Oromo Liberation Army oo sanadkii hore ka go’day xisbiga mucaaradka ah ee Oromo Liberation Front, waxaana xusid mudan in qowmiyadda Oromada ay tahay qowmiyadda ugu badan Itoobiya.

Dowladda Itoobiya ayaa horaantii sanadkaan ku dhawaaqday in labadaan urur ee TPLF iyo OLA ay yihiin ururo argagixiso oo ay tahay in laga ciribtiro dalka Itoobiya.

Hoggaamiyaha ciidamada TPLF Gen. Tsadkan Gebretensae iyo afhayeenka xukuumadda Ra’isuwasaare Abiy weli kama aysan hadlin hadalka kasoo yeeray hoggaamiyaha OLA oo uu ku sheegay inuu isbaheysi Militari la sameystay TPLF.

Hoggaamiyaha OLA ayaa hadlay maalin kadib markii Ra’isul Wasaare Abiy Axmed ugu baaqay dhammaan dadka Itoobiyaanka ah ee kartida leh inay ku biiraan milateriga si ay uga hortagaan ciidamada Tigray ka dib markii ay dib ula wareegeen inta badan gobolka Tigray toddobaadyadii la soo dhaafay oo ay u tallaabeen gobollada deriska ah ee Amxaarada iyo Canfarta.

Afhayeenka ciidamada Tigreega Getachew Reda ayaa AP u sheegay inay u dagaalamayaan sidii ay u sugi lahaayeen gobolkooda oo muddo dheer go’doonsanaa.

Iyada oo la sii xaddidayo gelitaanka qaybo ka mid ah Itoobiya isla markaasna saxaafadda loo diiday, way adag tahay in la sheego sida muwaadiniintu uga jawaabi doonaan baaqa Ra’isulwasaaraha, ama haddii ay ku biiri doonaan dagaalka ka dhanka ah isaga.