Wafdiga Rooble oo war cusub kasoo saaray wada-hadalkii Kenyatta iyo arrinta badda

Nairobi (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud oo qeyb ka ah wafdiga safarka ku jooga dalka Kenya ee uu hoggaaminayo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa faahfaahin ka bixiyey wadahadalladii ay la yeesheen madaxda Kenya.

Wasiirka oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Nairobi ee xarunta dalkaas ayaa sheegay in shalay ay madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta kula kulmeen magaalada Mombaasa, halkaas oo ay uga wadahadleen arrimo badan oo khuseeya soo celinta iyo xoojinta xiriirka labada dal.

“Arrimaha looga wadahadlay kulankeenii waxaa ka mid ahaa sida ugu fiican ee Soomaaliya iyo Kenya ay isula jaan qaadi karaan, inay soo ceshadaan xiriirkoodii derisnimo, walaalnimo, sida isu-socodka dadweynaha, ganacsiga, amiga iyo wixii lamid ah,” ayuu yiri Wasiir Maxamed Cabdirisaaq.

Sidoo kale Wasiirku waxa uu sheegay oo carrabka uu ku adkeeyey in kulankaas aan looga hadlin kiiska badda iyo waxyaabo lamid ah oo Soomaaliya aysan dani ugu jirin.

“Kulankeenii waxaa kaloo looga hadlay in dib loo soo celiyo guddi heer farsamo ah, guddigaas waxa uu ka shaqeyn doonaa arrimaha u baahan in si qota dheer looga xaajoodo, waxay ka soo baaraan degi doonaan sidii loo adkeyn lahaa xiriirka labada dalka oo hoos loogu daadejin lahaa,” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya.

Sidoo kale waxa uu sheegay in weli ay ka wada xaajoonayaan halka uu ka dhici doono kulanka kan xiga, isla markaana ay aad u daneynayaan oo ka shaqeynayaan inuu ka dhaco gudaha Soomaaliya.

“Hadda waxaan ka shaqeyneynaa guddiga heer farsamo cida Soomaaliya ku meteli doonta iyo xulashada wasaaradaha ay khuseyso arrintaan, sidoo kale waxaan ka wadahadalnay inta guddigu uusan howlgelin arrimo deg deg ah hadii ay soo baxaan, in wasaaradba, wasaaradda dhigeeyda ah ay howshaas kala shaaqeyso, anaga waxaa noogu muhiimsan wasaaradaha difaaca iyo amniga, berri inaan kulamo kale yeelano madaxda Kenya si arrimahaas aan u sii amba qadno way u badan tahay,” ayuu hadalkiisa ku sii diray wasiir Maxamed Cabdirisaaq.

Hoos ka daawo