Senatarada Puntland ee Aqalka Sare oo lagu doortay Garoowe + Magacyada

Garoowe (Caasimada Online) – Magaalada Garoowe waxaa maanta lagu qabtay doorashada 11- Senatar ee ka imaanaya dhanka Puntland, waxaana golaha wakiilada maamulkaas ay doorteen xildhibaankii ugu horreeeyey Puntland ee Golaha Aqalka Sare

Doorashada kursigii ugu horreeyey Senatarada Puntland ee la qabtay ee ayaa waxaa ku guuleystay Cabdiraxman Maxamed Maxamuud (Faroole) oo markale difaacday kursigiisa.

Faroole ayaa noqday Senatarkii ugu horreeyey ee ka soo baxa dhanka Puntland, waxaana la tartamay musharrax Maxamed Cismaan Colaad oo laga adkaaday.

Sida uu shaaciyey guddoomiyaha golaha wakiilada Puntland, Faroole ayaa helay 54 cod, halka musharraxa laga guuleystay ee Colaad uu helay 11 cod, sidaasna waxay guusha ku raacday Senator Faroole oo markale 4 sano ee socota ka mid noqonaya Aqalka Sare.

Cabdiraxmaan Faroole waa madaxweynihii hore ee Puntland, waana siyaasi saameyn mug-leh ku leh Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya, waxaana guushiisu ay aheyd mid lasii ogaa oo la saadaalinayey, tan iyo markii uu Saciid Deni kusoo diray liiska musharraxiinta.

Sidoo kale kuraasta kale ayaa doorashadooda loo qabtay qaab codeyn gacan taag ah, kadib markii ay tanaasuleen qaar ka mid ah musharraxiinta tartami ahaa, waxaana doorashada ku soo baxay illaa 11 musharrax oo Puntland ku metalaya Aqalka Sare waxana kala yihiin:

1- Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole
2- Maxamed Cali Yuusuf Gagaab
3- Maxamed Cabdi Cismaan (Majiino)
4- Cabdullaahi Cali Xirsi (Tima-cadde)
5- Cabdisamad Yuusuf Maxamed (Abwaan).
6- Daahir Ayaanle Siciid
7- Farxaan Cali Xuseen
8- Saynab Ismaaciil Maxamed (Tiimbiye)
9- Cabdiqani Geelle Maxamed
10-Samiiro Maxamuud Xaaji Cawad
11-Sareedo Maxamed Xasan (Jeyte).

Natiijada soo baxday doorashadan ayey aheyd mid hore loo sii ogaa oo loo saadaalinayey xubnaha ku guuleystay oo si aad ugu dhow madaxweyne Saciid Cabdullahi Deni.

Puntland ayaa noqotay maamulkii saddexaad ee qabta doorashada Golaha Aqalka Sare, waxaana ka horreeyey oo doorashadaas bilaabay Jubbaland iyo Koonfur Galbeed.