Xog: Farmaajo oo heshiis ka dalbaday R/Wasaare Rooble 

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo-wareedyo kala duwan ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay in Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu heshiis ka dalbaday Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, kadib khilaaf culus oo soo kala dhaxgalay labada masuul. 

Madaxweyne Farmaajo ayaa la sheegay in uu xiriir la sameeyay Rooble kadib markii uu ka jawaabay warqadii dhowaan ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha, kana dalbaday inay xiisadda dejiyaan.

Farmaajo ayaa la sheegay inuusan fileyn jawaabtii uu Rooble bixiyey iyo dhiiranaantiisa, taasi oo wacaa ku abuurtay. Waxaa lagu warramay inuu ka cabsi qabo in haddii ay sii socoto xiisadda, uu Rooble qaadi karo tallaabooyin ay ka mid yihiin inuu xilalka ka qaado taliyayaasha ciidamada, beddelo wasiirada ku dhow Farmaajo, islamarkaana kusii dhowaado xubnaha mucaaradka. 

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa la sheegay inuusan weli u jawaabin Farmaajo, waxaana wararku sheegayaan  inuu cabsi weyn ka qabo Villa Somalia, islamarkaana uu aaminsan yahay in dalabka heshiiska uusan daacad ka aheyn balse kaliya la rabo in lagu damiyo xiisad kadibna loo dhigo qiyaanooyin siyaasadeed culus.

Xog aan helnay ayaa tilmaamaysa in Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu bilaabay in uu digniin u jeediyo dhamaan shaqsiyaadka ku dhow dhow Madaxweyne Farmaajo iyo taliyayaasha ciidamada, islamarkaana uu Madaxweynaha dareemay in culeys badan saaranyahay, kaasoo wax u dhimi kara rajadiisa doorashada Soomaaliya.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa soo warinaya in Rooble uusan wali aqbalin dalabkaas islamarkaana uu jawaab ka bixin doono markii uu ka soo laabta dalka Kenya oo shalay ay ugu bilaabatay booqasho rasmi ah, taasoo qeyb ka ah waxyaabihii ay isku fahmi waayeen isaga iyo Madaxweyne Farmaajo.