GALMUDUG oo shaaca ka qaaday xilliga ay qabaneyso doorashada AQALKA SARE

Dhuusamareeb (Caasimada Oline) – Guddiga doorashada ee heer dowlad goboleed ee Galmudug ayaa soo saaray jadwalka doorashada xildhibaanada Golaha Aqalka Sare ee maamulkaasi, kadib markii xalay madaxweyne Qoor Qoor uu shaaciyey liiska lix ka mid ah kuraasta taalla magaalada Dhuusamareeb ee caasimada dowlad goboleedka Galmudug.

Warqad ka soo baxday guddiga ayaa waxaa lagu sheegay in maanta ay si rasmi ah u billaaban doonto diiwaan-gelinta musharraxiinta liiskooda la shaaciyey ee lixda kursi.

Sidoo kale guddiga doorashada maamulka Galmudug ayaa shaaca ka qaaday in doorashada xubnahaasi ee Aqalka Sare la qabanayo beri oo ay ku beegan tahay 12-8-2021-ka.

“Iyadoo la fulinayo waajibaadka jadwal ee doorasho heer dowladda dhexe ay soo saareen guddiga dhexe doorashooyinkla (FITT) 16-07-2021 oo ku saabsaneyd qabashada doorashada Aqalka Sare. Haddaba guddiga hirgelinta doorashooyinka Galmudug ee (GSS-SEIT) wuxuu halkan kusoo gudbinayaa jadwalka faah faahsan ee qabashada doorashada Aqalka Sare.” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay guddiga doorashada ee Galmudug.

Tani ayaa qeyb ka ah dardar-gelinta doorashooyinka dalka, waxaana Puntland iyo Galmudug ay haatan cagta saareen dhabihii qabashada ee doorashada Aqalka Sare.

Jubbaland iyo Koonfur Galbeed ayaa horey u guda-galay doorashadan, waxaana Senataro cusub lagu doortay magaalooyinka Kismaayo iyo Baydhabo oo ka kala tirsan maamuladaas.