Maxaa dib loogu dhigay kursiga Xaaf iyo Qeybdiid?

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa dib u dhigay shaacinta musharraxiinta laba kursi oo ka mid ah sideeda xubnood oo uu maamulkaasi ku leeyahay Aqalka Sare ee Soomaaliya.

Qoor Qoor ayaa ku dhowaaqay liiska lix ka mid ah kuraastaasi oo ay ku tartami doonaan illaa 12 musharrax, labada kursi ee dhimman ayaa waxaa haatan ku fadhiya Senator Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) & sidoo kale Senator Cabdiwaaxid Cilmi oo loo yaqaan Goonjeex.

Wararka ayaa sheegaya in sababta ugu weyn ee dib loogu dhigay labadan kursi ay tahay in weli la’isku dhagan yahay, isla-markaana uu Qoor Qoor wado wada-tashiyo ku aadan kuraastaas, si xal looga gaaro muranka ka taagan, loona kala saaro musharraxiinta.

Kursi ka mid ah labdaan kursi waxaa ku hardamaya madaxweynihii hore ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) oo horey digniin culus u jeediyey iyo Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) oo haatan ku sugan jiida dagaalka, isaga oo doonayo inuu difaacdo kursigiisa.

Wareegtada kasoo baxday xafiiska madaxweynaha Galmudug laguma shaacin, xilliga rasmiga ah ee lagu dhawaaqi doono musharraxiinta kuraastaas oo ka mid ah kuwa ugu saameynta ee badan, marka loo eegto siddeeda kursi ee taalla magaalada Dhuusamareeb.

Dhinaca kale waxaa kursigiisii waayey guddoomiye ku xigeenkii koowaad ee Aqalka Sare, Mudane Abshir Maxamed Axmed(Bukhaari), kadib markii laga reebay liiska musharraxiinta, waxaase lagu soo daray saddex ka mid ah xubnaha Aqalka Sare ee iminka, kuwaas oo kala ah, Cabdi Axmed Dhuxulow (Dhagdheer), Yuusuf Geelle Ugaas iyo Samsam Daahir Maxamuud.

Bukhaari ayaa ka mid ahaa Senatorada mucaaradka ah ee sida weyn uga soo horjeedo Villa Soomaaliya, waxaana sidoo kale uu la safnaa guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullahi.

Arrintan ayaa ku soo aadeysa, xilli mudooyinkii lasoo dhaafay aad loo hadal hayey muranka ka taagan kuraasta qaar ee Galmudug, waana mida dhalisay in Qoor Qoor uu lasoo daaho liiska xubnaha musharraxiinta ee ku tartamay kuraasta Galmudug ee Golaha Aqalka Sare.