Fiqi: Kanaalkii xiristiisa uu Farmaajo noogu faanay si weyn ayuu usoo furmay?

Muqdisho  (Caasimada Online) – Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo kamid xildhibaanada baarlamaanka ee mucaaradka ah ayaa ka hadlay safarka madaxweyne Muuse Biixi uu ku tagay magaalada Addis Ababa,Safar kaasi oo dhaliyay hadal heyn badan oo dhanka Baraha bulshada ah.

Xildhibaanka ayaa sheegay inay muuqato inay dib usoo laabaneyso safaradii madaxda maamul goboleedyada looga yeeriyeeri jiray magaalada Adis Ababa isaga oo sheegay inay muuqato in dib ay u furmayaan albabaabadii horey loo xiray.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook soo dhigay ayuu ku sheegay in madaxda dalka looga baahan yahay inay la heshiiyaan madaxda maamul goboleedyada maadaama aan la isku haleyn karin Ethiopia.

“Kanaalkii xiristiisa uu odogu noogu faanay dhowr bilood ka hor sow ma moodid in uu si weyn u furmay?mise furayaashii ayaa odoga laga jeep-tuugay? waxaan maqlayaa in saddex dawlad goboleed madaxdooda lagu casuumay Adis Ababa, oo qaarkood ay dhowaan u socdaalayaan!!

Kanaalka la xiray waa kii jabhadda gobonimo-doonka ah ee ONLF, furayaashii iyo qaar ka mid ah halgamaayaasheedii oo garbaduubanna Villa Soomaaliya ayaa wareejisay!

Itoobiya iskuma hubtide, dadkaada la heshii ayaan leenahay Oday Farmaajo, kanaalkana adigu iska soo xir, intaan Biyaha ka soo butaacayaa aadan ku hafan”.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com