Khilaaf culus oo soo kala dhex galay Lafta Gareen & beelaha Koonfur Galbeed

Baydhabo (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta Gareen ayaa waxaa caqabad weyn ka heysataa sidii Golaha Wasiirada ee uu dhawaan magacaabay loo hor geyn lahaa Golaha Baarlamaanka Maamulkaas.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa cadaadis xoog leh kala kulmayo Beelaha deegaanadaas, waxaana soo baxayo beelo badan oo ku qanci waayey xilalkii loo magacaabay.

Lafta Gareen ayaa hadda wado olole uu ku doonayo inuu Beelahaas ku qanciyo inay aqbalaan Wasiirada loo magacaabay.

Beelaha qaar ayaa lasoo sheegayaa inay Lafta Gareen si cad ugu sheegeyn inaysan marnaba aqbali doonin wasiirada la siiyey waxayna u sheegeyn inay kalsoonida kala noqon doonaan.

Bilowgii Bishaan ayu Lafta Gareen magacaabay Golihiisa wasiirada waxaana durba is casilay qaar ka tirsan Wasiiradii la magacaabay.

Wasiirada is casilay qaarkood ayaa sheegay in xilka loo magacaabay uusan u qalmin beeshooda isla markaasna aysan qaadan Karin halka kuwa kalana ay sheegeyn inaan lagala tashan markii loo magacaabay sidaas darteedna aysan diyaar u aheyn inay qaataan.

Sida ay xogta ku heleyso Shabakadda Caasimadda Online, haddii aan la qancin beelaha tabashada qabo waxaa macquul ah inuu Madaxweynaha Koonfur Galbeed mar kale dib ugu laabto Xukuumadda oo uu isbadal ku sameeyo dibna uu usoo dhiso mar kale.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa la aaminsan yahay inu taageero weyn ka heysto Villa Soomaaliya balse wuxuu hadda wajahayaa caqabado badan oo ay ugu horeyso sida uu Beelaha ugu qeybiyey Golihiisa Wasiirada.

Caasimada Online
Xafiiska Baydhabo
Caasimad@live.com