Fiqi “Lama aqbali karo in Kheyre uu masjid ka dhex sheego hadal noocan ah”

Muqdsiho (Caasimada Online) – Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi ayaa shaaca ka qaaday “inaan la aqbali karin in ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre uu masjid dhexdiisa been ka sheego, ayada oo loogu dul-qaadan jiray beentii hoteellada.”

Fiqi ayaa bartiisa facebook soo dhigay qoraal jawaab u ah hadalkii Kheyre uu maanta ka jeediyey saladdii jimcaha ee masjidka madaxtooyada, kaasi oo uu kaga hadlay mushaharka ka maqan ciidamada. Hoos ka aqriso qoraalka Fiqi uu dhameystiran.

Masjidka Dhexdiisa Miyaa Markaana!

Raysulwasaare Khayre masjidka uu ka dhex khudbaynayo ee madaxtooyada, dadka ugu badan ee dhagaysanayey khudbadiisa waa shaqaalaha madaxtooyada oo aan muddo saddex bilood ah wax mushaar ah qaadan (sida ay noo sheegeen) laakin caburinta iyo cagajuglaynta lagu haayo aan afka kala furi karin In ay xuquuqdooda sheegtaan!

Wuxuuna shaqaalahaas aan xaqooda helin mudadaas u aqrinayaa In askarta In mushaarkooda la siin doona! Sidee isku qabanaysaa Warkaas ama ay uga rumayaanayaan? Shaqaalaha xafiisyada madaxtooyada iyo kuwa kale ee hey’adaha dawladda ka shaqeeya ma diiwaangashana miyaa ayaguna!

Shalay waxaad lagu faanayey mushaar naguma baaqdo, Maantana waxaa cudurdaar loo raadinaysaa mushaar la’aanta dhacday, way fiicnaan laheyd in wax lagaa qoro iyo mawqif kaliya aad yeelataan!!!

Waa loo dulqaadan karaa marka hoteelada hadalllo noocaas ah laga sheego, laakin masjidka maya mudane!

Hantidhowraha qaranka iyo hey’adaha kale ee laba aqal ee Barlamaanka u qaabilsan baaritaanka wixii ku saabsan la xisaabtanka dhanka maaliyadda waxaa u taalla hawl adag oo ay tahay In ay ka hawlgalaan halka ay martay qoondadii shaqaalaha rayidka ah iyo ciidanka ee miisaaniyadda 2019 loo qoondeeyey!