Kheyre: Maxaysan ciidanku u gadoodin markii ay 9 bil waayeen mushaharka?

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa si dadban u duray ciidamada mushahar la’aanta ka cabanaya ee gadoodka sameeyey, isaga oo sheegay inaysan gadood sameyn xiligii madaxweyne Xasan Sheekh ee ay sagaalka bil waayeen mushaharka.

“Waxay leeyihiin labo bilood oo wax la saxaayo ayaa mushaaraadka naga maqan yihiin… Maxay u kala tegi waayeen xilligii uu mushaarku ka maqnaa sagaal bilood…runta la idin ma sheegin.. laakiin aniga maanta idin sheegaya.” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Kheyre oo maanta ka hadlay salaaddii Jimcaha.

Ciidamada gadoodka sameeyey ayaa sheegay inaysan ka cabaneyn mushahar la’aan kaliya balse laga jirtay raashinkii. Xilligii dowladda Xasanb Sheekh ayay sheegeen in inkasta oo mushahar ay waayeen marar badan, haddana marnaba aysan noqon raashin.

Kheyre ayaa sheegaya in shuruudaha horyaalla Ciidamada ay yihiin in askariga uu ku sugnaado goobtii lagu diiwaangeliyay, kuna shaqeeyo iyo in aan dalban gacan kale oo u dhaxeysa Askariga iyo Dowladda, lacagahana loogu shubo koontada loo sameeyay, sidaas Askarigii sameeyana uu heli doono mushaarka iyo Gunnada.

Xasan Cali Kheyre Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya in aysan xaqireen dadka usoo dadaalay dalka, balse loo baahan yahay in lala jaanqaado nidaamka cusub.

Waxa uu sheegay in Dowladda Federaalka marwaliba la hor dhigo su’aal ah tirada Ciidamada si looga caawiyo Mushaaraadka iyo lacagaha loo qoondeeyo.

Kheyre ayaa tilmaamay in had iyo jeer la weydiiyo Liiska Ciidamada lagu diiwaangeliyo, balse hadii aan la helin aan suurta gal ahayn in dhaqaale loo helo.

Ciidamo katirsan Dowladda Federaalka ayaa maalmihii lasoo dhaafay ka cabanayay mushaar la’aan dhowr bilood oo ay sheegeen in aysan lacag qaadan.

Wafdi ka socda Dowladda Federalka oo ay hogaaminayeen Wasiirada Amniga iyo Warfaafinta ayaa shalay Degamada Balcad kula kulmay saraakiil hogaamineysay Ciidamo mushaar la’aan ugu soo baxay deegaanadii ay ku sugnaayeen.

Kulan saacado qaatay kadib, ciidamada iyo saraakiishii qaabilay wafdiga Xukuumadda ayaa isku afgartay in ciidamada dib ay ugu laabtaan, cabashadoodana la xalinayo.

Dhageyso Kheyre

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com