Fiqi: Waxaan heynaa cadeymo muujinaaya wasiiro hantida qaranka ka dhistay guryo

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka mid ah mudanayaasha baarlamanka Somalia ayaa ka hadlay wararka sheegaya in dowlada Federaalka ah ee Somalia ay ka hortagtay Musuq-Maasuqii ka dhextaagna xarumaha dowlada.

Xildhibaan Fiqi waxa uu sheegay in Musuq-maasuq uu hadda bilow ka yahay Somalia, waxa uuna cadeeyay in Hantida Qaranka lagu kala iibsanaayo suuqyada magaalada Muqdisho.

Waxa uu sheegay in goobaha wax lagu kala iibsado xiliyada qaar aad ku arkeysid Hanti Qaran, waxa uuna cod dheer ku sheegay musuqa ceynkaa ah ay mas’uul ka yihiin mas’uuliyiin ka tirsan dowlada.

Hantida Qaranka ee lagu kala iibsanaayo Suuqyada ayuu sheegay inay u hayaan cadeymo rasmi ah, wuxuuna ku baaqay in la xafido Hantida shacabka.

Madaxda ugu sareysa dalka ayuu dusha ka saaray mas’uuliyada musuqa maadaama aysan u diyaarsaneyn inay ka hortagaan, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale, Fiqi waxa uu cadeeyay inay jiraan mas’uuliyiin ka tirsan Golaha Wasiirada oo guryo waaweyn ka dhistay Hantida Qaranka, halka xarumihii Wasaaradaha ay yihiin kuwo burbursan sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu intaa raaciyay in Musuq-maasuqa ka jira dalka uu saameeyay xitaa madaxda ugu sareysa dalka iyo dhamaan shaqsiyaadka ku magacaaban Xafiisyada dowladda.

Haddalka Fiqi ayaa kusoo beegmaaya maalin un ka hor goortii uu Ra’isul wasaare Kheyre shaaciyay in Xukuumadiisa ay ciribtirtay waxa loogu yeero musuqa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com