Sawirro: Kulan fashilmay oo dhex maray xildhibaannadii Qabyo, CC Shakuur iyo culumada Soomaaliyeed

Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaanada iyo siyaasiyiinta mucaaradka ayaa shalay kula kulmay magaalada Muqdisho Hey’adda Culimada Soomaaliyeed, iyadoo kulankan uu ahaa mid looga hadlay xaalada dalka uu marayo.

Kulankan oo uu gogoshiisa dhigay Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur ayaa waxaa ka dhex muuqday Xildhibaan Faarax C/qaadir, Xildhibaan Xasan Macalin, Xildhibaan Maxamuud Abuukaate iyo xubno kale, halka dhanka Culimada ay ka dhex muuqdeen Guddoomiyaha Hey’adda Culimada Sheekh Bashiir, Sheekh Nuur Baaruud, Sheekh Cali Wajiis, Sheekh Soomow, Sheekh Yuusuf Cali Ceynte iyo kuwo kale.

Kulankii ugu danbeeyay waxay shalay la yeesheen Hay’adda Culimada Soomaaliyeed, iyadoo kulankan uu ahaa mid looga hadlay xaalada dalka uu marayo iyadoo ka codsaday inay dhexdhexaad ka noqdaan arrimaha siyaasadda, isla markaana aanay isku hor gudbin madaxda dalka.

Xubanaha siyaasiyiinta iyo Xildhibaanada mucaaradka ayaa ugu horeyn cabasho ka keenay hadalo horay uga soo yeeray Sheekh Nuur Baaruud, kaasoo uu si gaar ah ku beegsaday Xildhibaanada, waxaana ay ka dalbadeen inay u caddeeyana in hadalkaas uu yahay mid Culimada dhan la qabto iyo in kale.

Xildhibaannada kooxdii Qabyo iyo Siyaasiyiinta mucaaradka oo wada mooshin xil ka qaadis madaxweynaha ayaa si weyn uga naxay hadal dhowaan kasoo yeeray Sheekh Nuur Baaruud oo ku baaqay in xildhibaannada mooshinka wata laga matajiyo lacagta laaluushka ah ee ay qaateen.

Xubnihii culimada ee goobta ka hadlay ayaa sheegay in hadalada Sheekh Nuur ay ahaayeen kuwo shaqsi ah oo aanay dhamaan Culimada la qabin, balse ay dhankooda tuhun ka qabaan siyaasiyiinta qaar oo dalal shisheeye ay maalgelinayana, sidaas darteed loo baahan yahay in dadka iyo dalka loo shaqeeyo.

Kulankii shalay ee labada dhinac ayaan wax natiijo ah kasoo bixin, markii inta badan culimada kulanka ka qeyb gashay ay ku adkeysteen inaysan dhexdhexaad ka noqon karin xasilooni darro siyaasadeed in dalka la geliyo, isla markaana xilligan mooshin la keeno, waxayna u cudurdaareen Sheekh Nuur Baaruud oo ay sheegeen inuu xor u yahay fekerkiisa, sida iyaguna ay madaxda sare wax uga sheegaan xaq loogu leeyahay in mucaaradkana wax laga sheego.

Waxaa kaloo siyaasiyiinta iyo Xildhibaanada u jeediyeen Culimada inay la yimaadaan qodobo cad cad oo ay ku difaacayana dowladda iyo cidii dalka dumineysa, balse aanay noqon Culimo Madaxtooyada laga soo siiyo awaamiirta.

Hore waxay kooxda Qabyo iyo siyaasi C/raxmaan C/shakuur kulan ugu tageen Imaamka Beelaha Muqdisho oo isna si cad ugu sheegay inuusan arrimo siyaasadeed ka hadli karin iyadoo aan jirin dad mideysan, koox gaar ahna taageeri karin.

Ujeedka kooxda wada ololaha mooshinka madaxweyne ayaa ah in ay ku qanciyaan ururrada bulshada baahi loo qabo isbedel hoggaamineed, kadib markii si weyn looga hor yimid qalalaase siyaasadeed oo xilligan ka dhaca dalka, taasoo hadda u muuqata inay ku guuldareysteen labadii tallaabo ee ay u qaadeen dhinacaasi.

Culumada Soomaaliyeed ayaa ugu dambeyntii si rasmi ah u diiday inay cambareynta ka joojiyaan kooxaha ay ugu yeereen inay yihiin kuwa doonayo in la dumiyo dowladda Soomaaliya, waxayna xildhibaanadaas u sheegeen inaysan marnaba macquul aheyn inay qaataan fikirada noocaan oo kale.