Fiqi oo go’aan ka duwan kii Mahad Salaad ka qaatay baaqii madax goboledyada

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Axmed Macaliin Fiqi ayaa ammaanay qoraalka Jimcaha kasoo baxay golaha iskaashiga maamul goboleedyada ee ay ku dalbadeen in dhinac saddexaad uu dhex-dhexaadiyo ayaga iyo dowladda federaalka, oo uu khilaaf xooggan uu ka dhaxeeyo.

Qoraal uu soo dhigay Facebook, ayuu Fiqi ku sheegay in War-muriyeedka Golaha Iskaashiga ay ka muuqato  mas’uuliyad, uuna baaqoodu muujinayo in ay diyaar u yihiin xal u helidda khilaafka kala dhexeeya madaxda dawladda dhexe ee Soomaaliya.

Fiqi ayaa u muuqda inuu qaatay fikir ka duwan kan saaxiibkiisa Mahad Salaad, oo ka mid ah mucaaradka dowladda, kaasi oo sheegay in qoraalkaas uu ahaa mid loogu gafay dowladnimada Soomaaliya.

Hoos ka aqri qoraalka Fiqi:-

War-muriyeedka Golaha Iskaashiga waxaa ka muuqda mas’uuliyad, wuxuuna baaqoodu muujinayaa in ay diyaar u yihiin xal u helidda khilaafka kala dhexeeya madaxda dawladda dhexe, si arrintaasi wax loogo qabto waxey dalbadeen jawi iyo goob suurtagalin kara in la wada hadlo ayagoo horey cabasho uga muujiyey in qodobadii wadahadaladii hore lagu wada heshiiyey aysan waxba ka fulin.

Haddii madaxdii dalku ay ka garaabi waayeen xaaladda cakiran ee dawlad goboleedyada kala dhexeysa, muddo 10 casho ahna ay ka soo wareegtey markt ay soo saareen warmuriyeedkoodii, waa Arrin dabiici ah in laba qolo haddii ay isqabato ay qolo saddexaad ku soo baxdo, kuwa ceebta arrintaas nooga dhigayana waxey u muuqaal eg yihiin kuwo qaska iyo xasrada in lagu sii jiro macaash ugu jiro Iyo nacamlayaashooda durbaanka ka daba tuma. Aqalka sare dadaalka ay wadaan ayaa noqon kara darafka saddexaad ama cid kasta oo kale oo labada dhinac ay ku kalsoonaan karaan oo u istaagta xallinta khilaafkaan.

Madaxda dawladda Federaalka waxaa la gudboon in ay jawaab aan aheyn aflagaadeyn iyo caayid ay ka bixiyaan khilaafka cirka isku sii shareeraya ee kala dhexeeya dawlad goboleedyada, lana soo afmeero inta uu cusub yahay oo uusan gaarin meel uusan hadda joogin.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com