Mahad Salaad: Xaalku sidii hore maaha, markan Xaaf isagaa aya WEERAR ah

Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa kashifay qorshaha qarsoon ee madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf.

Isagoo ka hadlayay xiisadda cusub ee ka taagan maamulka Galmudug iyo mooshinadda xil ka qaadista ee ka socda magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Cadaado ayuu sheegay madaxweyne Xaaf uu weerar yahay, isla markaana uu gacantiisa ku qaatay dhammaan awoodihii Dastuuriga ahaa ee Galmudug.

“xaalku sidii hore waa ka duwan yahay, madaxweyne Xaaf isaga ayaa weerar ah. sababtuna waxay tahay isaga oo isku qaatay dhamaan awoodihii Dastuuriga ahaa ee ay lahaayeen Barlamaanka iyo madaxdii kale Galmudug ee la doortay. wuxuu raba si baalmarsan sharciyadii Galmudug lagu dhisay inuu sameysto mudo kororsi afar sano ah oo cusub isaga oo cidna aan ka talo gelin…” ayuu yiri xildhibaan Mahad Salaad oo sheegay inay hore ugu hiiliyeenXaaf, balse hadda uu yahay mid gardarro ku socda.

Wuxuu sheegay inay xilligan muuqato in madaxda Galmudug aysan isla shaqeyn karin, ayna ku fashilmeen hogaaminta Galmudug. Wuxuuna kula taliyey labada Barlamaan ee kala fadhiya Dhuusamareeb iyo Cadaado in la isku keeno ayna doortaan madax cusub oo samata bixisa Galmudug.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com