Duni is-rogtay: Dowladda Sacuudiga oo hub kasoo iibsatay Israel (Warbixin)

Riyadh (Caasimada Online) – Waxaa la wariyey in Sucuudiga ay Israel ka soo iibsadeen difaacca gantaalada, taas oo muujineysa heshiiska ay labada dal gaareen, sidaas waxaa laga soo xiganayaa dhawr ilo diblomaasiyadeed ah oo ay soo xigatay Khaleej Online.

Sucuudiga kaliya siyaasadda kalama heshiin Israel, sidaas waxaa laga soo xiganayaa ilo wareedyo, laakiin waxa ay dooneysaa heer ay si aan gambasho lahayn ay uga soo iibsato hubso casri ah.

Xiriirka Israel iyo Sucuudiga waxa uu hadda marayaa heerkii ugu wanaagsanaa abid.

Wasiirka difaaca Israel, General Gadi Eisenkot, dhawaan wareysi uu siiyey Saudi Elaph oo ah wargeys fadhigiisu yahay Birtain ayaa sheegay in Israel ay diyaar u tahay in ay Sacuudiga la wadaagto sirdoonka si ay uga hortagaan saameynta Iran.

Waxaa intaa dheer, sarkaal sare oo uga tirsanaa ciidanka Israel ayaa dhawaan laba kulan la yeeshay laba amiir oo reer Sucuudi ah aadna caan u ah, kuwaas oo xaqiijiyey in Israel aysan hadda wixii ka dambeeya cadaw u ahayd Sacuudi Careebiya.

Ila wareedyadu waxa ay xaqiijiyeen in dhawaan Sacuudiga ugu qanciyey arintaas isaga oo u maray dhex dhexaadin xoog badan oo Mareykanka ah xilli kulanka seddex geysoodka ah ee sida sirta ah loogu qabtay Washington lagu qanciyey Israel in ay ka iibiso Iron Dome System (Habka looga hortago gantaalaha).

Caasimada Online
Xafiiska Jeddah
Caasimada@live.com