Sawirro: Ethiopia iyo Eritrea oo heshiis taariikhi ah ku saxiixday Jeddah maanta

Jeddah (Caasimada Online) – Dalalka Eritrea iyo Ethiopia ayaa maanta heshiis taariikhi ah ku kala saxiixday magaalada Jeddah, halkaasi oo loogu qabtay munaasabad uu goobjoog ka ahaayeen boqor Salman Bin Cabdulcaziiz iyo wiilkiisa ahna dhaxal-sugaha Maxamed Bin Salman.

Waxa sidoo kale munaasabadda joogay xoghayaha guud ee QM Antonio Gutteres iyo wasiirka arrimaha dibedda Imaaraadka Carabta Abdullah bin Zayed Al-Nahyan, kuwaasi oo dhammaantood daawanayey ayada ay heshiiska qalinka ku duugeen ra’iisul wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed iyo madaxweynaha Eritrea Isiais Afwerki.

Wasiirka arrimaha gudaha Sacuudiga Abdulaziz bin Saud bin Nayef, wasiirka arrimaha dibedda Adel Al-Jubair iyo wakiilka boqortooyada Sacuudiga ee QM Abdullah Al-Maalami, ayaa sidoo kale ka qeyb-galay xafladda

Heshiiskan ayaa si rasmi ah loogu soo geba gebeeyey colaaddii 20-ka sano u dhaxeysay Ethiopia iyo Eritrea, ayada oo Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta ay lahaayeen fikraddii ka dambeysay in labadan dal la isku soo dhoweeyo.

Kadib saxiixa heshiiska, ayaa waxaa labada hogaamiye la guddoonsiiyey biladda boqortooyada Sacuudiga ee lagu magacaabo Order of King Abdulaziz.