Fiqi oo ka carrooday sawir isaga iyo Kheyre ah oo dan siyaasadeed lagu fushtay

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibana Axmed Macallin Fiqi ayaa ka dhiidhiyey in sawir uu horey ula galay ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre dib loo soo saaro maanta, ayada oo loo adeegsanayo dano siyaasadeed.

Qaar ka mid ah taageerayaasha ra’iisul wasaaraha ayaa baraha bulshada ku baahiyey sawir muujinaya Kheyre iyo Fiqi oo isla dhoola caddeynaya saacado kadib markii laga laabtay mooshinkii laga keenay madaxweyne Farmaajo.

Taageerayaasha Kheyre ayaa sawirkan raaciyey qoraal ay baraha bulshada ku baahiyeen oo ay ku sheegeen in labada nin ay heshiiyeen.

Si kastaba, xildhibana Fiqi ayaa arrintaas ka hor-yimid, isaga oo sheegay in sawirka uu ahaa mid toddoba bilk a hor uu Kheyre kula galay hotel saxafi, islamarkaana ay qaadeen shaqaalaha Kheyre.

Hoos ka aqri qoraalka Fiqi uu soo dhigay faceebook.

Waxaa jira qolooyin sawiro hore loo galay u ekeysiinaya kuwa cusub ama waqti dhow la galey, si aan ugu caddeeyo kuwa sawirkaan hoose Nafta ka raadinaya in uu ahaa 7 bilood ka hor, goobtuna ay ahayd Hotel Sahafi MUQDISHO.

Cidda kaliya oo habeenkaas sawirada qaadaysayna waxay ahaayeen sawir qaadashayaasha Raysulwasaarah, waxaan ka xumahay In sawiro hore dadka loogu ekeysiiyo kuwa cusub. Mana garan karo faa’idada ay ka helayaan falkaas.

Waxaan rajaynayaa Asxaab badan oo isoo weydiisay sawirkan In ay ka qanceen.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com