DAACISH oo magaalooyin badan kusoo fidday iyo DF oo ka hdashay (Dhageyso)

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa waddo baaritaano ka dhan ah kooxda Daacish oo la ogaaday inay wadaan qorshe ay isku balaarinayaan, kadib markii la sheegay in dagaalyahano ka tirsan kooxda ay galeen magaalooyin horleh.

Walow Dowladda Soomaaliya aysan shaacin in kooxda Daacish ay gudaha usoo gashay magaalada Muqdisho, haddana kooxda ayaa sheegatay dilal dhowr ah oo ka dhacay Muqdisho iyo Afgooye.

Golaha wasiiradda xukuumadda Soomaaliya ayaa marar badan ka dooday halista Kooxda Daacish, waxaana muuqata in dowladda Soomaaliya ay heshay xogo cusub oo shaacinaya in kooxda magaalooyin horleh isku balaarinayaan.

Wasiiru dowlaha xafiiska Ra’iisul wasaaraha Cabdullaahi Xaamud ayaa xaqiijiyay in laga warhayo in kooxda ay isbalaarin sameyneyso, waxaana uu sheegay in golaha wasiirada ay ka arinsadeen arintaasi.

Wasiiro dowlaha ayaa sheegay in ciidamada amaanka ay heleen xogaha islamarkaana ay wadaan howlgalo ka dhan ah kooxda si aysan u kordhin dhibaatooyinka ay ka geysan karaan Soomaaliya.

Khubarada dhanka amaanka ayaa sheegaya in Kooxda Daacish ay halis weyn ku tahay amaanka iyo horumarka Soomaaliya sanadaha soo socdo, maadaama ay ka dhismeyso dal kasoo kabanayo burbur iyo amni daro.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com