“Seddex arin oo isbiirsaday ayaa u sabab ahaa fashilka mooshinkii FARMAAJO”

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah xildhibaanada baarlamaanka ee gudbiyay mooshinka ka dhanka ah madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka hadlay wararka sheegaya inay u tanaasuleen balanqaadyo loo sameeyay xildhibaanada.

Xildhibaan Maxamed Xasan Ganeey oo kamid ahaa xildhibaanadii gudbiyay mooshinka ayaa sheegay in mooshinka loo joojiyay seddex arin oo isbiirsatay, kuwaasi oo ku qasbay inay mooshinka ka laabtaan.

Arinta Koowaad ayuu xildhibaanka ku sheegay inay tahay in la waayay xildhibaano kamid ahaa kuwii mooshinka saxiixay oo sheegay in laga been abuurtay magacyadooda iyo saxiixooda.

Arinta labaad wuxuu ku sheegay xildhibaanka inaysan jirin maxkamad Dastuuri ah oo kala saarta qodobada la isku hayay, isaga oo sheegay in heshiiska mooshinka looga laabtay ay ku jirtay dhismaha maxkamad dastuuri ah.

Arinta Seddexaad wuxuu ku sheegay inay u tureen Shacabka iyo dalka Soomaaliya, maadaama aysan jirin wax shaqo ah oo dhacay xiligii adkaa ee mooshinka uu socday, kaasi oo sababay in shaqada baarlamaanka joogsato.

Wuxuu dhinaca kale sheegay iney been abuur tahay in xildhibaanada mooshinka keenay loo sameeyay balanqaadyo xileed, waxaana uu arin lagu qoslo ku tilmaamay halka 92 xildhibaan looga keenayo xilal maadaama xukuumadda ay ka kooban tahay 68 xubnood.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com