Fiqi oo si adag uga jawaabay hadalkii wasiir Xundubeey

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wasiirka Amniga ee maamulka Galmudug, Axmed Macalin Fiqi ayaa si adag ugu jawaabay Sii-hayaha Wasiirka Amniga Soomaaliya, Xasan Xundubey oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho.

Xundubeey ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay leedahay awood buuxda oo ay ku maamusho kuna qabsato guud ahaan Magaalada Muqdisho, isagoona ciidamada ka gadoodsan muddo kororsiga ku tilmaamay “mooryaan barakacineysa shacabka Muqdisho”.

Wasiir Fiqi ayaa hadalka Xundubey ku sheegay mid shiki galinaya awooda kala sareyn ee xukuumadda xil-gaarsiinta, maadama uu ra’iisal wasaare Rooble uu hore ugu dhawaaqay xabad joojin, halka uu Xundubey uu asaguna iclaamiyey tallaabo horseedaysa dagaal.

“Mar kasta ee uu RW Rooble hadlo waxaa hadalkiisa mid khilaafsan ka daba dhaha wasiirkiisa amniga Xundubey. Shalay Rooble wuxuu ku dhawaaqay xabbad joojin, maantana Xundubey wuxuu iclaamiyey dagaal. Waa yaabe sidee loo kala sareeyaa xukuumadan!?,” ayuu yiri Fiqi.

Sidoo kale waxa uu ku naqdiyey wasiirka in bililiqo uu ku eedeyo ciidamada gadoodsan ee kasoo horjeeda muddo kororsiga, ayada oo madaxda waqtigeedu dhamaaday ay kursi bililiqo ku joogan Villa Somalia, sida uu hadalka u dhigay.

“Saaxiibkay Xundubay wax baa la bililiqeystay ayaa ahayd xujadiisa ugu weyn ee uu dagaalka ku xalaalsanayo, laakin miyuusan ogeyn bililiqo ka weyn kursigii dalka looga talinayey oo Xoog lagu heysto in aysan jirin.”

“Asagoo kursi bililiqo ah difaacaya inuu cid kale ku eedeeyo wax bay bililiqeysatay ma ahayn, bililiqada kaliya ee dagaal in lagu qaado mudan waa midda ka jirta Villa Soomaaliya,” ayuu ugu dambeyntiina yiri Fiqi.

Hadalkaan ayaa imanaya waxyar un kadib markii Sii-hayaha wasiirka amniga uu magaalada Muqdisho ka sheegay in dowladda waqtigeedu dhamaaday ay talaabo ka qaadi doonto kuwa uu sheegay “inay yihiin malleeshiyaad dhiira-gelinaya argagixisada,” isla markaana ciidanka amniga ay ku dadaalayaan xaqiijinta amniga caasimada.

Hadalka kasoo yeeray Xundubey ayaa uga sii daraya xiisada dagaal ee ka tagaan magaalada Muqdisho, xili uu ra’iisal wasaare Rooble ku dhawaaqay xabad joojin iyo wada-hadal aan weli si rasmi ah loo gudo-galin.