Mamaullada HirShabelle iyo Galmudug oo si rasmi ah u diiday muddo kororsiga

Muqdisho (Caasimadda Online) – Maamul Goboleedyada Hirshabelle iyo Galmudug oo war saxaafadeed soo saaray ayaa si cad uga hor yimid muddo kordhinta uu Baarlamaanka Soomaaliya u sameeyey madaxweyne waqtigiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Labada Maamul ayaa si wadajir ah u shaaciyey in dalka laga qabto doorasho si deg deg ah u dhacdo iyadoo lagu saleenayo heshiiskii 17 September.

Warsaxaafadeed wadajir ah oo ay saareen labadaan maamul ayey ku sheegeen in aysan aqbali doonin burbur dalka ku yimaada, taas oo ka dhalata muddo korarsiga Madaxweyne.

Labadaan maamul ayaa cambaareeyay dagaaladii ka dhacay waxayna ku baaqeen in la dejiyo xaalada iyo in la qabto doorasho ku qotanta heshiiskii 17-kii Sep ee 2020.

Warkan ka soo yeeray labada maamul ee Hirshabelle iyo Galmudug ayaa waxa uu dharbaaxo kulul ku yahay Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ee Farmaajo.
Halkan hoose ka aqriso war saxaafadeedka Galmudug iyo Hirshabelle.

Halkaan hoose ka akhriso war-saxafadeedka oo dhameystiran

Tr. April 27-2021

War-saxaafadeed Wadajir ah

Madaxda Dawlad-goboleedyada Galmudug iyo Hirshabelle ee xubnaha ka ah Dawladda Federaalka Soomaaliya markii ay tixgaliyeen mnarxaladda adag ee uu dalku marayo.

Markii ay wadatashiyo qotta dheer layeesheen Bulshada qaybaheeda kala duwan. Markii ay garawsadeen qataraha dhinacyada badan ee uu dalku wajahayo.

Markii ay arkeen ismariwaaga siyasadeed ee ka dhashay arrimaha doorashooyinka dalka iyo baahida loo qabo in xal deg deg ah lahelo.

Markii ay arkeen xaaladaha amnidarro ee kusoo kordhay caasimadda Muqdisho maalmihii lasoo dhaafay iyo sida ay usii fidayaan. Markii ay garawsadeen in aanay macquul ahayn lasii fiirsado xaaladaha isisoo taraya ee aan farad galinaynin shacabka Soomaaliyeed.

Markii ay garawsadeen baahida loo qabo qaadashada go’aarno badbaadinkara rnustaqbalka Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed. Waxeey soo saareen warmurtlyeedkaan.

1- waxaan ka xunnahay dhacdooyinkii ka dhacay Caasimadda Muqdisho maalmihii lasoo dhaafay, waxaanan ka tacsiyaynaynaa Dacikii ay waxyeeladu kasoo gaartay dhacdooyinkaas.

2-dhacdooyinkaas waxaan u aragnaa in ay nasiib-darro ku yihiin hanaanka Dawlad-dhiska Soornaaliya, si gaar ah shacabka ku nool caasimadda Muqdisho oo aan mudnayn in dib loo xusuusiyo waqtiyadii adkaa ee ay soo mareen.

3- waxaan isla qaadanay In ay dalka si deg deg ah uga dhacdo doorasho meeshana laga saaro nuuckasta oo ah muddo kordhin.

4- Waa in doorashada lagu galaa heshiiskii 17-kii september 2020. maadaama uu yahay kan.

5- waa in la joojiyaa meeshana laga saaraa waxkasta oo caqabad ku noqonkara ama horay ugu noqday hirgelinta heshilskil 17-kli september.

6- Waxaan ugu baaqeynaa madaxda Maamul Goboleedyada kale ee dalka in ay ka qaatan kaalinta uga aadan sidii loo fulin lahaa  heshiiskii 17- september

7- Madaxda DFS waxaan ka codsaneynaa inay si dhaqso ah u qaadaan dhammaan tallaabooyinka lagama maarmaanka u ah fulinta heshiiskii 17- september si dalku u aado Doorashadii lagu heshiiyey.

8- waxaan ugu baaqaynaa dhamaan dhinacyada ay khuseeyaan arrimaha taagan ee Soomaallya in ay ka fogaadaan wax kasta oo keenIkara kala fogaansho iyo xaslloonidarro taas badalkeedana la muujiyo qalbiwanaag iyo masuuliyad

9- waxaan usoo jeedinaynaa Qaybaha kala duwan ee ClIdamada Oalabka sida In ay ka fogaadaan waxkasta oo keenikara arnnidarro kuna ekaadaan waajibaadka qaran ee Dastuurku ucayimay isla markaana aanay ku milmin arrimaha Siyaasadda.

10- Guud ahaan Shacabka Soornaallyeed waxaan ugu baaqaynaa in ay meel uga soo wada jeestaan cidkasta oo khatar ku ah amnIga lyo wadajirka umadda Soomaallyeed.

11- beesha Calaamka waxaan uga mahadcelInaynaa taageerada joogtada ah ee lagarabtaaganyihiin Soomaaliya. waxaanan ku dhiirigalinaynaa in ay sii wadaan dedaalkooda.

Mahadsanidlin.
Dhammaad