FIQI oo WEERAR culus ku qaaday Cali Yare: “Haddii xil loo dhiibo qof aan u qalmin sug saacadda qiyaamaha”

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Amniga gudaha ee Maamul Goboleedka Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa weerar culus oo afka ah ku qaaday guddoomiye ku-xigeenka dhinaca Amniga ee Maamulka Gobolka Banaadir Cali Yare Cali.

Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in calaamadaha Aakhiro Zamaanka ay kamid tahay Guddoomiye ku xigeen Gobol oo subax kasta usoo shaqo tagayo sidii uu wax uga sheegi lahaa Ra’iisul Wasaaraha Qaranka.

Fiqi ayaa soo qaatay xadiith laga wariyey Nabi Muxamed Naxariis iyo Nabadgalyo korkiisa ha ahaatee kaasoo ahaa: اذا وسد الامر لغير اهله فانتظر الساعة

Kaasoo micnihiisa yahay “Haddii Arrinta (Xil) loo dhiibo qof aan u qalmin sug Saacada Qiyaamaha.”

Hadalka Axmed Macalin Fiqi ayaa wuxuu si toos ah ugu socday guddoomiye ku xigeenka dhinaca Amniga ee maamulka Gobolka Banaadir Cali Yare Cali oo maalmihii ugu dambeeyey baraha bulshada ku weerarayey Ra’isulwasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Cali Yare, oo ah nin aan aqoon maadi iyo mid diini ah toona laheyn, ayaa kamid ahaa dadkii qeybta ka ahaa ololahii doorashada ee madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, wuxuuna qaabilsanaa isku soo bixinta dadka.

Kadib sanado uu xil ka weysanaa Farmaajo, ayaa mar dambe xilligii dhammaadka muddo xileedka Farmaajo loo dhiibay xilka guddoomiye ku-xigeenka gobolka Banaadir ee dhanka amniga.