Xog: Wasiir ka tirsan DF oo magaalada Baydhaba looga mamnuucay sabab yaab leh

Baydhaba (Caasimada Online) – Wararka ka imanaya magaalada Baydbaba ee xarunta gobalka Bay ayaa soo sheegaya in uu khilaaf culus soo kala dhaxgalay Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo Wasiirka Wasaarada Cadaalada Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur. 

Khilaafkaan oo muddo soo taagnaa ayaa la sheegay in ugu dambeyn uu gaaray meel sare, kadib markii xog lagu helay in Madaxweyne Laftagareen uu amray in uusan Baydhaba imaan karin Wasiirka Cadaalada Soomaaliya. 

Khilaafka Madaxweynaha iyo Wasiirka Cadaalada ayaa dhashay kadib markii Wasiirka uu safar aysan ka war qabin madaxda Koonfur Galbeed ku tagay degmooyin ka tirsan gobalka Bakool. 

Wasiirka ayaa safarkii ugu dambeeyay ee gobalka Bakool waxa uu kaga dhawaaqay in uu yahay Murashax Xildhibaan isagoo boorar ku dhagsaday degmada Waajid, wuxuun intii uu joogay Bakool eedeeyey maamuladii Koofur Galbeed ee Shariif Xasan iyo kan hadda ee Laftagareen.

Madaxweyne Laftagareen ayaa la sheegay in wasiirka ugu goodiyay in uu yimaado Baydhaba. “Kursigaaga waxa uu yaalaa Baydhaba, Bakool ma laguugu dooran doono, Baydhabana ma ahan meel la iska yimaado ee taas ku xisaabtan,” ayuu yiri Madaxweyne Laftagareen, sida ay noo sheegeen  xubno ku dhow dhow Wasiirka Cadaalada Soomaaliya. 

Wasiir Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa booska uu joogo waxaa geeyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya lamana oga waxa uu kala kulmi doono khilaafka soo kala dhaxgalay isaga iyo Madaxweyne Laftagareen.