Somaliland oo qoraal caro leh u dirtay caalamka kadib warkii kasoo baxay xafiiska Rooble

Hargeysa (Caasimada Online) – Maamulka Somaliland ayaa si kulul uga hadashay doorashada xubnaha Aqalka Sare ee Soomaaliya ku matalayo Gobolada Waqooyiga, iyadoo qeylo dhaan u dirtay beesha caalamka.

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed, oo labadaba kasoo jeeda gobollada waqooyi, ayaa shalay ra’iisul wasaare Rooble u gudbiyey liiska musharaxiinta Aqalka Sare Somaliland.

“Dowladda Jamhuuriyada Somaliland waxa ay ku war gelinaysaa Qarammada Midoobay, Midawga Africa, Midawga yurub, iyo guud ahaan bulshada caalamka, in Jamhuuriyadda Somaliland tahay dawlad madax bannaan oo aan haba yaraatee wax shaqo ah ku lahayn nidaamka doorashooyinka maamulka fadhiidka ah ee Soomaaliya,” ayaa lagu yiri wara saxaafadeed kasoo baxay Somaliland.

Somaliland ayaa sheegtay inay tahay dal xor ah oo leh nidaam doorasho oo dimuquraadi ah, isla markaana shacbiqu doortaan cidda ku matalaysa qolayaasha fulinta(Xukuumadda), sharci dejinta(G/baarlamaanka) iyo dawladdaha hoose.

“Jamhuuriyada Somaliland waxa ay 18kii may 1991, la soo noqotay gobonimadeedii luntay 1960kii, Soddon sano kadib, somaliland waa dal xor ah oo leh nidaam doorasho oo dimuquraadi ah, isla markaana shacbiqu doortaan cidda ku matalaysa qolayaasha fulinta(Xukuumadda), sharci dejinta(G/baarlamaanka) iyo dawladdaha hoose, si xor iyo xalaal ah oo qof iyo cod ah,” ayaa mar kale lagu yiri qoraalka.

Somaliland ayaa xustay inay siyaasiyiinta Soomaalida ah uga digeyso sheegashada beenta iyo khiyaaliga ku dhisan ee lagu marin habaabinayo bulshada caalaamka.

“Ugu dambayn Somaaliland oo ka mid ah dalalka hoggaamiya dimuqraadiyadda Africa, waxa aanay marnaba aqblayn in lagu soo daro arrimaha doorashooyinka soomaaliya oo aan khusayn Jamhuuriyadda Somaliland” ayaa lagu yiri gabagabada qoraalka.

Qoraalka kasoo baxay Somaliland ayaa kusoo aadayo xilli Shalay lasoo saaray liiska musharixiinta ku tartamayo xubnaha Aqalka Sare ku matalayo Gobolada Waqooyi.

Halkaan hoose ka akhriso war saxaafadeedka oo dhameystiran