Madaxweyne Farmaajo oo ballan-qaad cusub kasoo saaray doorashada (Daawo)

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sameeyeey ballan-qaad cusub oo la xiriira in doorashada dalka ka dhaceysa ay noqon doonto mid xor oo xalaal ah.

Farmaajo oo Khudbad ka jeediyey Meertada 76-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa soo bandhigay qorsheyaasha ka hirgalay dhammaystirka geeddi-socodka doorashooyinka Qaran ee ka socda dalka, isaga oo hoosta ka xarriiqay sida ay dowladda Federaalka Soomaaliya uga go’an tahay ka miro-dhalinta himilada shacabka Soomaaliyeed ee ku aaddan doorasho xor ah oo loo wada dhan yahay.

“Waxaa hadda meel gabagabo ah noo maraya hannaanka qabashada doorashooyin xor ah, xalaal ah, oo loo dhan yahay, taas oo ay ka qeybgalayaan tirada ugu badan ee ka qeybgalayaasha doorashada Soomaaliya tan iyo dagaalladii sokeeye. Doorashooyinkani waxay udub-dhexaad u yihiin ilaalinta xuquuqda iyo rabitaanka muwaadiniinta Soomaaliyeed,” ayuu yiri.

Hadalka Farmaajo ayaa imanaya ayada oo dalka uu sanadkii iyo barkii ugu dambeeyey ku jiray xasarado ka dhashay doorashada dalka, kadib markii Farmaajo uu isku dayey inuu sameysto muddo kororsi, sidoo kalena qaaday tallaabooyin dhowr ah oo lagu arbushayo in dalka ay ka dhacdo doorasho uusan ku shuban.

Waxa uu sidoo kale faro-gelin qaawan ku sameeyey maamul goboleedyada dalka iyo guddiga doorashada, taasi oo horseeday in dad badan ay ka quustaan in dalka ay doorasho ka dhacdo inta uu Farmaajo ku dhex sugan yahay Villa Somalia. 

Hadalka madaxweynaha ayaa sidoo kale kusoo beegmaya xilli muddooyinkii u danbeeyey uu khilaaf u dhaxeeyey isaga iyo ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble,iyada oo dad badani ay u arkaan, in khilaafkani wakhti kale dib u sii dhigi karo hannaankii doorashada.

Dhanka kale, waxaa muddooyinkii u danbeeyey socday doorashooyinka aqalka sare, xilli ay maamullada qaar weli aanay soo dhammaystirin xubnaha ku meteli doona aqalka sare.

Hoos ka daawo khudbadda Farmaajo