Fiqi “Somalia waqtigan ma xamili karto hogaamiyaal calooshood la cayaar ah”

Muqdisho (Caasimadda Online) – Axmed Macalin oo kamid ah Xildhibaanada sida weyn u mucaaradsan Siyaasadda ay ku shaqeyso Dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu hoggaamiye Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa mar kale weerar culus ku qaaday Madaxda ugu sareyso.

Mar uu qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook kaga hadlayey soo dhaweyntii Jigjiga loogu sameeyo hoggaamiyaha ONLF ayuu sheegay Fiqi inaysa Soomaaliya hadda xamili karin waxa uu ugu yeeray Hoggaamiyaal calooshood la cayaar ah sida uu hadalka u dhigay.

Haddaba halkaan hoose ka akhriso qoraalka uu Fiqi soo dhigay Bartiisa Facebook:

?? Dadka mabaadi’da leh waxay noolaadaan boqolaal sano si kasta oo ay u itaal-daran yihiin, kuwa ka Soo horjeedaana u xoog badan yihiin, kuwa danleyda ah ee aan mabaadi’da lahayna boqol jeer ayaa la aasaa oo ay dhintaan.

Maanta ayey Jigjiga ka rumowday, waxaan bogaadinayaa sida sharafta leh ee ay Maanta dadka Soomaaliyeed ee dhulkaas ku nool ay uga marqaati kaceen halgankii jabjadda ONLF isla markaana isu Soo baxaas weyn ugu sameeyeen hogaanka u sareeya jabhadaas.

Waxay Soomaali u baahan tahay hogaamiyaal aragti dheer xambaarsan oo ka shaqeeya midnimada umadda Soomaaliyeed, waqtigaan Soomaali ma xamili karo hogaamiyaal calooshood la cayaar ah oo daba ordaaya danahooda yaryar oo qura.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com