FIQI: “Waxaa la casuumay oo banaanka u soo baxaya qoryihii duugoobay”

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Amniga ee maamulka Galmudug, Axmed Macalin Fiqi oo sidoo kale Mudane ka tirsan golaha shacabka ayaa si adag uga hadlay go’aanka madaxda waqtigoodu dhamaaday ay ku dheereysanayaan xukunka, kadib qaraarkii uu soo saaray Golaha Shacabka.

Wasiir Fiqi ayaa sheegay in kursiga Farmaajo keliya lagu ilaalin karo dastuurka heshiiska lagu yahay, balse aan marnaba lagu waardiyeyn kareyn qori iyo cago-jugleyn ka dhan ah dadka kasoo horjeeda tallaabada sharci darada.

“Marka ay noqoto in qori lagu ilaaliyo kursigii sanduuqa dhalada ah uu sharciyeeyey, dadka arrintaas ka dhiidhiyana caburin iyo argagixin la isugu daro, markaas waxaa la casuumay oo banaanka u soo baxaya qoryihii duugoobay ee boorka fuulay mudadii dastuurku uu dhaqangalka ahaa, wadadaasna ma ahan mid cusub oo waa mid horey loo soo tijaabiyay oo aan cawaaqibteeda la mahdin,” ayuu yiri Fiqi.

“Waana la soo tijaabiyey in qori kursi lagu ilaaliyo iyo mid Karaamada lagu ilaaliyo uu awood weyn yahay kan sharafta iyo dastuurka ilaalada u ah.”

Waxa uu ka digay in madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday uu dalka ku celiyo meeshii uu hore uga imaaday, islamarkaana uu dib ugu laabto teendhadii Afisyooni iyo wada-hadaladii uu fashiliyey ee loogu gogol xaarayay heshiiska doorashada.

Sidoo kale waxa uu hoosta ka xariiqay in loo baahan yahay inay dalka ka qabsoomto doorasho wada-ogol ah oo loo dhan yahay, si dalka looga bad-baadiyo qalaalase siyaasadeed iyo mid amni.

“Waxaa haboon in caqligu shaqeeyo oo aan dalka kursi jacayl awgii haadaan dheer looga tuurin, wadada kaliya ee furanna ay tahay wadahadalkii siyaasadeed iyo in dalka doorasho la isla ogal yahay ay ka qabsoonto sida ugu dhow,” ayuu yiri Fiqi.