Firaaqa ku yimid dagaalka Al-Shabaab oo ay ka dhalatay saddex dhibaato oo weyn

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa dhowr bilood kahor sheegtay inuu dhamaaday wejigii koowaad ee dagaalka kooxda Al-Shabaab, loona diyaar-garoobayo wejiga labaad.

Tani waxay dhashay in aanay dowladda dagaallo qorsheysan qaadin, taas caksigeedana kooxda Al-Shabaab ayaa si weyn uga faa’iideysatay.

Hakadka ku yimid howl-galadii dardarta ku socday ee dowladda federaalka iyo shacabka Soomaaliyeed waxay Al-Shabaab ka faa’iiday saddex arrimood, oo kala ah; 

1. Lacag aruursi: Sida aan kasoo xiganay qaar kamid ganacsatada Muqdisho tan iyo markii uu hakadka ku yimid weeraradii joogtada ahaa ee dowladda ku haysay Al-Shabaab waxaa bilowday in kooxda ay dib usoo cusbooneysiiso lacagihii baadda ahaa ee ay ka qaadi jirtay ganacsatada Muqdisho.

Mid kamid ah jihooyinkii laga naafeeyay kooxda Al-Shabaab ayuu dhaqaaluhu ahaa, laakiin fursadan waxay kooxdu uga faa’iideysatay dhaqaale aruursi xoog leh.

Xogaha dheeriga ah ee mawduucan la xiriira ayaa waxay sheegayaan inay kooxdu u hanjabtay ganacsato ka cago jiiday bixinta lacagaha, taas oo keentay inay ganacastada qaar ka cararaan magaalada Muqdisho.

2. Aargoosi: Al-Shabaab waxay dileen dhowr qof oo kasoo jeeda beelaha uu dagaalku kala dhaxeeyo muddooyinkii lasoo dhaafay. Fursada ay ka heleen dagaaladii cuslaa oo ka istaagay ayaa loo arka inay keentay in dadku isdhigtaan, iyaguna aargoosi sameeyaan.

3. Weeraro joogto ah: Kooxda Al-Shabaab waxay maalmo kahor weerar ku qaaday fadhiisimo ciidan oo ku yaalla duleedka magaalada Beledweyne iyo deegaanka Baarsaguuni ee gobolada Hiiraan iyo Jubbada Hoose

Tan iyo markii dagaalada cuslaa laga joojiyay kooxda waxay Al-Shabaab weerar ku qaaday Galcad, Janaay-Cabdalle, Ruun-Nirgood iyo goobo kale, halkaas oo khasaarooyin badan ka dhasheen.

Inay kooxdu awoodo in weerar abaabulan ku qaado fadhiisimaha ciidanka dowladda Soomaaliya waxaa loo sababeeynayaa firaaqa ka dhashay ku mashquulka dowladda ee isku diyaarinta wejiga labaad ee dagaalka.

Intaan ka badan ma la sugi karaa Al-Shabaab?. Dadka arrimaha amniga ku takhasusay waxay sheegayaan in hab qaldan dowladda u wajahday kala wareega labada weji dagaal, taas oo dhashay firaaq faa’iido siiyay kooxda Al-Shabaab.

Intaan ka badan in aan la sugi karin oo ay tahay in dowladdu si uun u billowdo wejiga labaad ee dagaalka ayaa kamid ah tallooyinka lasoo jeediyay.

Wararku waxay sheegayaan in dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ay ku jirto maalmihii udambeeyay ee diyaar-garowga wejiga labaad ee dagaalka, balse waxaa tallooyinka la bixiyay kamid ah in qeyb kamid ah shaqada dagaalka lasii wado, si loo dhimo fursadaha kooxda iyo dhibaatooyinka ay u geysaneyso shacabka Soomaaliyeed iyo ciidanka dowladda.