Muxuu Cabdikariin Guuleed ka aaminsan yahay Somaliland-ta looga dhigay ergayga?

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa waxa uu madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud u magacaabay Ergayga arrimaha Somaliland.

“Cabdikariim Xuseen guuleed ayaa khibrad wanaagsan u leh arrimaha dib u heshiisiinta, xallinta khilaafaadka iyo marxaladihii kala duwanaa oo ay soo mareen wadahadallada Dowlad Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland,” ayaa lagu yiri dikreetada ka soo baxday Villa Somalila.

Madaxweynaha ayaa Cabdikariin Guuleed faray inuu qaato doorkiisa hoggaamineed ee ku saleysan xal u helidda caqabadaha ku gedaaman wadahallada Soomaaliya iyo Somaliland.

Cabdikariin Guuleed ayaa xilligii uu ahaa wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya waxaa si degan oo la rajeynayey in laga mira-dhaliyo ay ku socdeen wada-hadaladii Soomaaliya iyo Somaliland oo hakaday markii ay xukunka wareejiyeen Xasan Sheekh iyo xulufadiisii xiligaas.

Haddaba, Aan dul-istaago Cabdikariin Guuleed iyo waxa uu ka aaminsan yahay Somaliland-ta looga dhigay ergayga.

Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa waxa uu aaminsan yahay in Somaliland looga garaabo tacadigii iyo dhibaatadii ay u geysatay dowladdii kacaanka, oo iyadu ku dhibaateysay awooddii qaranka, sida uu ka sheegay fagaarayaal dhowr ah.

“Qadiyada Somaliland waa qadiyad la xalin karo, dhinaca kalana qadiyad sida loo maleynayo aan u sahlaneyn oo u bahaan wada-hadal iyo xog-ogaalnimo xoog badan lagu xaliyo ayay i dhaxal-siisay, sidaas daraadeed waxaa isleeyahay qadiyadaas qofkii xalin lahaa in aan aaminsanahay ayaa ahay ee xog-ogaalnimo, dareen, aqoon iyo dad aqoon ku xalin lahaa in aan ahay ayaa aaminsahay,” ayuu Guuleed ku yiri wareysi uu bixiyay kal hore.

“Dadka reer Somaliland waa dad lagu tacadiyay oo tacadigaas iyo dhibka gaaray ay tahay in looga garaabo. Cadow banaanka kasoo weeraray sidaas kama dhicin ee waa ciidankii qaranka, diyaaradihii qaranka, qofka daruuftaas iyo dadka meeshaas degan aan gaarin ma fahmi karo, aniga maalinta ay sidaas u burbursaneyd waa tagay oo waa joogay.”

Guuleed ayaa qaba in aan marnaba Somaliland lagu go’doomin midnimo diidmada, ee laga shaqeeyo horumarkeeda, si lamid ah dalka inta kale ee dowladda federaalka ay masuuliyad uga saaran tahay, “Nabada, xasiloonida iyo horumarinta Somaliland waxaa naga saaran masuuliyad sida dalka kale inta kale masuuliyad nooga saaran tahay.”

Ergayga cusub ee arrimaha Somaliland oo isagu ah nin xogagaal u ah wada-hadal dowladda federaalka iyo Somaliland iyo marxaladihii ay soo mareen ayaa waxa uu dowladdii hore ku dhaliili jiray hanaanka ay u wajahday qadiyada Somaliland, oo uu sheegay inaysan wax isbedel ah ka sameyn meeshii ay soo gaarsiiyeen.

“Wada-hadaladii aan daadihinayay in guulo waaweyn laga garay oo guusha waxaa u horeysa kalsooni abuur, taasina waa abuurnay,” ayuu yiri Cabdikariin Guuleed oo maanta markale looga fadhiyo sii amba-qaadka geedi socodka wada-hadalada muddada dheer hakadka ku jiray, maadama loo magacaabay ergayga arrimaha Somaliland.

Dowlada federaalka ayaa waxaa xilligaan ka go’an tahay xaqiijinta midnimada iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed, si taas loo gaarana ay u baahan tahay talo wadaag, is dhageysi, wada-hadal iyo in xal waara laga gaaro tabashooyinka jira oo ay qabaan walaalaha Somaliland, sida uu sheegay madaxweynaha Soomaaliya.