Somalia oo qaaday tallaabo muhiim u ah ku biirista ururka AGOA ee Mareykanka iyo…

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u codsatay inay ku biirto AGOA, oo udub dhexaad u ah siyaasadda dhaqaalaha Mareykanka iyo la-macaamilka ganacsiga ee Afrika.

Soomaaliya ayaa rabta inay ku biirto 36 dal ee Afrikaanka ah, iyaga oo ka faa’iideysanaya sharciga kobaha iyo fursadaha Afrika ee AGOA.

Codsigan ayay dowladda Soomaaliya uga dhawaaqday intii lagu guda jiray xafladda codsiga AGOA ee Soomaaliya, taasi oo uu goobjoog ka ahaa safiirka Mareykanka ee Soomaaliya ee xilka kasii degaya, Larry André oo isagu muujiyay sida ay Mareykanka uga go’an tahay ballaarinta iyo casriyeynta iskaashiga Afrika iyo Soomaaliya.

“Mareykanka waxa uu diirada saari doona la shaqeynta Soomaaliya iyo dadkeeda si loo helo xalal cusub oo lagu xaliyo caqabadaha cusub iyo kuwa mudada dheer soo jiray, loogana faa’iideysto cilmi-baarista iyo teknoloojiyadda cusub iyo in la maal-gashado illo xooggan oo mustaqbalka fog ah iyada oo wax laga qabanayo baahiyaha deg-dega ah.”

Waxa uu intaas kusii daray “Siyaasadahani waxay abuuri doonaan jawi xasiloon oo la saadaalin karo ganacsiyada si ay ugu shaqeeyaan waxayna gacan ka geystaan hubinta in kheyraadka loo isticmaalo si hufan. Waxaas oo dhan iyadoo maskaxda lagu hayo, safaaraddu waxay sharaf u tahay inay bixiso xiriirka u dhexeeya dowladda federaalka Soomaaliya iyo wakiilka ganacsiga ee Mareykanka.”

La-taliyaha sare ee madaxweynaha Jamhuuriyadda ee arrimaha dhaqaalaha, Xasan Aadan Hoosow ayaa dhankiisa waxa uu sheegay in AGOA uu sahlayo Afrika inay badeecadahooda u suuq geeyaan dalka Mareykanka, iyaga oo aan laga qaadeyn khidman/canshuur (duty-free).

“Dadaalkii dheeraa ee ay dwladdu ku bixisay abuurka xiriir gaacsi ee aan dunida la yeelano kadib, waxaan si rasmi ah u billowdnay hanaanka ku biiritaanka heshiiska ganacsiga Afrika iyo Mareykanka ee loo yaqaano Africa Growth and Opportunity Act (AGOA),” ayuu yiri Xasan Aadan Hoosow.

Waxa uu intaas sii raaciyay “Wada-hadalada u gogol xaaray horumarka arrintaan laga gaaray maanta waxay qyb ka ahaayeen mirihii laga soo hoyay shirkii US-Africa Summit ee Washington ka dhacay December, 2022.”

AGOA ayaa tan iyo markii uu ansixiyay Congress-ka Mareykanka 2000 waxay udub dhexaad u ahayd siyaasadda dhaqaalaha Mareykanka iyo la macaamilka ganacsi ee Afrika, waxayna Soomaaliya u sahli doontaa inay wax soo saarkeeda u dhoofiso suuqyada Mareykanka.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa si ay u buuxiso shuruudaha adag ee uqalmitaanka AGOA waa inay horumar dheeraad ah ka samaysaa samaynta dhaqaale ku salaysan suuqa, ku dhaqanka sharciga, siyaasadda kala duwanaanshaha iyo xaqa nidaamka cadaaladeed.