Somaliland oo sheegasho cusub maanta kasoo saartay dagaaalka Laascaanood

Laascaanood (Caasimada Online) – Taliyaha qaybta 12-aad ee ciidanka milatariga Somaliland Genaral Faysal Cabdi Bootaan oo maanta shir jaraa’id ku qabtay duleedka magaalada Laacsaanood ayaa si adag kaga hadlay dagaalkii shalay ka dhacay halkaasi.

Bootaan ayaa shaaca ka qaaday in dharbaaxo kulul lagu dhuftay ciidamada huwanta oo uu tilmaamay inay markii hore weerar kusoo qaadeen fariisimaha ciidanka Somaliland.

“Tallaabada adag ayaa laga qaaday ciidanka huwanta ee weerarka soo qaaday ciidanka qarankana waxay heegan u yihiin inay difaacaan karaamadooda, sharafkooda iyo jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland,” ayuu yiri Generaal Faysal Cabdi Bootaan.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daraya in goobihii lagu dagaalamay, gaar ahaan xerada Goojacadde ay weli joogaan ciidanka milatariga Somaliland, nabad-gelyana ay tahay.

“Maanta oo labada bisha afaraad ay tahay waxaan caddeynayaa inaan taliskii Goojacadde joogno in nabad-gelyo ay tahay inaanu nabad qabno,” ayuu sii raaciyay.

Ugu dambeyn wuxuu farriin u diray reer Somaliland, isaga oo ugu hambaleeyay guul uu sheegay inay dagaalka kasoo hoyeen ciidamadooda.

“Dadweynaha reer Somaliland meel kasta oo ay joogaan waxaan ugu bishaareyneynaa in ciidanka qaranku guuleystay oo la jabiyay ciidanka huwanta iyo Puntland,” ayuu yiri.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo dhankeeda SSC ay guullo waa weyn ka sheegatay dagaalkii ay shalay ciidanka Somaliland kula gashay duleedka magaalada Laascaanood.

Si kastaba, dagaalka ka socda xarunta gobolka Sool ee Laascaanood ayaa galay bishii labaad oo xiriir ah, waxaana ka dhashay dhimashada ku dhowaad 300 oo qof iyo dhaawaca in ka badan kun qof iyo sidoo kale waxaa ku barakacay boqolaal kun oo ku noolaa halkaas.