Falcelin cajiib ah oo ka dhalatay xilka cusub ee loo magacaabay GUULEED

Muqdisho (Caasimada Online) – Falcelin xoog leh ayaa ka dhalatay magacaabidii Ergeyga Soomaaliya ee arrimaha Somaliland, xilkaas oo Madaxweyne Xasan Sheekh uu u magacaabay madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed.

Inta badan dadkii faallada aragtidooda ku dhiibtay qeybta commenti-ga ee bogga Facebook-ga Villa Somalia waxay taageereen magacaabida Cabdikariin Guuleed, qaarbaa arrintaan la aaday xisadda Laascaanood ee ka dhaxeysa SSC iyo Somaliland, halka dadka qaar ay madaxweyne ku tilmaameen nin ay ka go’antahay in saaxiibadiis uu meeleysto.

Caasimada Online waxay soo uruurisay qaar ka mid ah commentiyadii laga dhiibtay dikreetada ka soo baxday Madaxtooyada Soomaaliya ee lagu magacaabay Cabdikariin Guuleed, gaar ahaan waxaan soo xulanay faalooyinkii asluubeysnaa.

Hoos ka eeg qof kasta magaciisa iyo aragtidii uu dhiibtay:

Maxamed Cali Geelle ayaa yiri “Waa ninkii soo bilaabay wadahadallada Soomaaliya iyo Somaliland waagii uu Wasiirka Arimaha Gudaha ahaa, waana ninkii is hor fadhiisiyay Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Siilaanyo.”

Axmed Gaashaan, “Mr. Gulleed back to the stage Masuuliyada Alle hala qaado hana ku guuleeyo.”

Hanad Karaama “Waa tallaabo bogaadin mudan, waana aragti wanaagsan in wadahadallada gobollada waqooyi dib loo soo celiyo, Mahadsanid Madaxweyne.”

Cabdulqaadir Axmed Gaaciye “Madaxweyne Hassan Sheikh Mohamud wuxuu ku kacayaa khiyaano qaran, waana shirqoon kadhan ah midnimada iyo qarannimada #Soomaaliya magaabistaan laga soo abaabulay #Jibuuti, maanta wax la yiraahdo #Somaliland majiraan waxaa jiro qabiilo Soomaaliyeed oo reer waqooyi ah, iyagiina maanta isdilayaan, halkii diiradda la saari lahaa qabiilka khaldan ee soo duulay in reer #SSC la dhabarjayo waa cadaawad muuqato oo aan la qarsan.”

Ibraahim Cabdishakuur Mire ayaa yiri, “Congratulations, H.E Abdikarim Hussein Guled Waa oday Soomaaliyeed oo wada-hadalkaas hogaamin kara.”

Sunni Careys Feyte “Somaliland ninkii keeni lahaa is coming, xaajo yaqaan, afmaal ah, oo miiska uu fadhiisto micno ka keeni kara Abdikarim Hussein Guled Hamabalyo Madaxwayne.”

Saacid Cali “Ninkaan arrimaha Somaliland waa ku fiican yahy 2013-kii markuu Wasiirka ahaa meel fiican ayuu soo gaarsiiyay hoosha.”

Xalwo Xirsi Kaarshe “Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud waa xariif wlhi, Musharixiintii uu kursiga kaga guulaystay wuxuu ka dhigay wada Ergayo.”

Cabdirisaaq Cismaan Xirsi “Xasan Sheekh waa ninka colaada heerkaas gaadhsiiyey, Somalia gacantiisa ayey ku burburaysaa mar labaad, maleeshiyada gooni u goosadka ah ee SNM meeqa ayaad wadahadal beena kula jirtay? Xasan Sheekh waa cadowga koowaad ee reer SSC, waana ku ognahay insha Allah, waana kula xisaaabtami doonaa inaad dhiigayaga ku faraxsantay waanu ognahay.”