Laascaanood (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha KMG ka ah ee maamulka SSC-Khaatuma, Mudane Cabdulqaadir Axmed Aw-Cali Firdhiye ayaa ka hadlay arrimo ku aadan wararka sheegay in ciidamo Itoobiyaan ah la geynayo gudaha deegaanada maamulkaasi.
Firdhiye ayaa arrintaas uga digay dowladda Itoobiya, wuxuuna sheegay in aysan aqbali doonin farogelinta arrimaha gudaha ee degaanada SSC-Khaatuma.
Hoggaamiyaha oo boqolaal dadweyne ah kula hadlayay magaalada Laascaanood ayaa sheegay in ay dagaalami doonaan, haddii deegaankooda la keeno ciidan Itoobiyaan ah.
Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in shacabka ay iyaga mas’uul ka yihiin, isla markaana ay ka hortagi doonaan cid kasta oo kusoo xadgudubta deegaanada SSC-Khaatuma.
“Waxaanu aqbali karayno ma ahan, ma aqbalayno. Dadkayaga iyo dalkayaga annagaa ka masuul ah. In ciidamo kale la dulkeeno ama lasoo fara galiyo, ma aqbalayno, waana ka dagaalamaynaa,” ayuu yiri Hoggaamiyaha maamulka KMG ah ee SSC- Khaatumo, Firdhiye.
Sidoo kale wuxuu farriin u diray dowladda federaalka oo uu ugu baaqay inay ku garab istaagto mowqifka Soomaalinimo ee ay qaateen shacabka SSC.
Firdhiye ayaa sidoo kale sheegay in dowladda dhexe looga baahan yahay in ay ka qeyb qaadato, sidii dalka looga difaaci lahaa cid walba oo khatar ku ah midnimada dalka.
Ugu dambeyn wuxuu ciidamada deegaanak ku amray inay heegan buuxda galaan, una diyaar daroobaan duulaan kaste oo kaga yimaada dhinaca Somaliland ama cid kale.
Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan ay taagan tahay xiisad ka dhalatay heshsiiska badda, taas oo u dhexeyso dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya.