Fly Dubai oo khatar weyn ku gashay garoonka Hargeysa

Hargeysa (Caasimada Online) ― Diyaarad ay leedahay Shirkadda diyaaradaha ee Fly Dubai ayaa dhowaan khatar weyn ku gashay garoonka diyaaradaha ee Cigaal ee magaalada Hargeysa, sida uu shaaciyay Xisbiga mucaaridka ah ee Waddani.

Xoghayaha duulista iyo hawada ee xisbiga Waddani, Nuuradiin Diini ayaa sheegay in diyaarada Fly Dubai duulimaadkeedi 661 ee 20-bishii dhamaatey ‘October’ ay khatar ku gashay garoonka Hargeysa kadib markii ay warbixin qaldan siiyeen mas’uulyiinta hagta diyaaradaha ee madaarka Cigaal.

Nuuradiin Diini ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in diyaaradaasi ay khatar u gashay inay ku burburto madaarka Hargeysa, iyadoo ay saarnaayeen dad ku dhow 100-qof oo rakaab ahi.

Xoghayaha duulista iyo hawada ee xisbiga Waddani oo arrimahaasi ka hadlayey ayaa waxa uu ka dhawaajiyey in xukuumada Muuse Biixi ay isku daydey in falkaasi ay qariso, wuxuuna yiri “Waxaan dooneynaa in halkan aan idinku soo gudbino dhacdooyin aad iyo aad u fool-xun ama ceeb ah guud ahaan qaranka Jamhuuriyada Somaliland khatarna ku ah, nafo badana ay u gu’i gaadheen, hanti badana ay ku burburi gaadhay oo la qarinayey in aan sheegno”.

“Dhacdadaas oo ah labaatankii bishii aynu soo dhaafnay ee October oo aheyd maalin Axad ah, Cigaal waxa ka dhacay diyaarad Fly Dubai oo fly-keedu ahaa 661, Nooceedu ahaana B737, in ay khatar gashay oo halkaasi ay ku bur-buri gaadhay”.

Wuxuuna intaas kusii daray “Diyaaradaasi waxa saarna dad ku dhow 100 qof, waxayna aheyd sababta khatartaa keentay in cidii fadhiday Tower-ka ee hageysa diyaaradahaasi ay siiyeen hawo qaldan oo diyaaradaasi ku dagi kareyn”.

“Diyaaradaasi Fly Dubai qiimaheedu lacag ku dhow 100-Milyan oo dollar ayey aheyd, ayna Somaliland iyo Hargeysa ku aamintay. Boqolkaa qof iyo lacagta 100M si fudud oo shaqaale xumo ah ayey halkaasi (madaarka Cigaal) ugu bur-buri gaadheen”.

Xoghayaha ayaa ugu dambeyntiina waxa uu soo jeediyay in Madaxweyne Biixi uu shaqada ka cayriyo mareeyaha hay’adda duulista, isla markaana uu soo celiyo shaqaalihii ka howl-galayay garoonka Hargeysa oo ku dhawaa afartameeyo qof oo xukuumadu hore uga cayrisay shaqada.

Caasimada Online

Xafiiska Hargeysa