Sabriye oo war ka soo saaray xiisada Ahlu Sunna iyo DF kadib guushii ciidanka DF

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha xukuumadda Soomaaliya, Cabdi Maxamed Sabriye ayaa si kulul uga hadlay xiisada sii xoogeysaneysa ee u dhexeysa Ahlu Sunna iyo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Wasiir Sabriye ayaa hoggaanka sare ee Ahlu Sunna Waljamaaca uga digay in ay ka horyimaadaan dadallada ay wado dowladda, islamarkaana ay fashiliyaan qorshaha lagu doonayo in lagu dhiso Galmudug oo mid ah.

Sidoo kale Sabriye ayaa sheegay in haatan waxa socda aysan ka tarjumeynin heshiiskii iyo ballamihii ay wada galeen labada dhinac, isagoona xusay in arrintani ay dib u dhigi karto geedi socodka loogu jiro dhismaha maamulka Galmudug.

“Waxa aan arkeyno maanta ma ahan Ahlusuna sidii aan ku soo wada bilownay, kama turjumeyso arrimihiisa masiiriga ahaa ee aan go’aanka ka gaarnay, Umadda Galmudug u sheegnay, waa dib u noqosho Dhaqanka Ahlusuna ka muuqdo waa dib u noqosho, waxaa leenahay walaalaheena ha bariiqanina jid fiican ayaa ku taagneyn, ha sababina idinkoo mid yar idin gaar ah meel ciriiri ah ku jirta labadaan farood ku raadinaya in aad Galmudug fashilisaan.”ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda Soomaaliya.

Sidoo kale wasiirka oo hadalkiisa wata ayaa sheegay in dowladda dhexe ay ka go’an tahay in horumar laga gaaro arrimaha Galmudug, lana dhiso maamul loo dhan yahay, si looga gudbo khilaafaadka hareeyey, tan iyo markii la dhisay maamulkaasi.

Dhawaqa ka soo yeeray wasiirka arrimaha gudaha ayaa ku soo aadaya, iyadoo ay haatan jiraan xiisado u dhexeeya ciidamada dowladda iyo kuwa Ahlu Sunna oo ka taagan gobolka Galgaduud, kadib markii dowladda ay si buuxda ula wareegtay degmada Guriceel iyo sidoo kale qeybo ka mid ah magaalada Dhuusamareeb ee xaruta Galmudug.

Caasimada Online
Xafiiska Dhuusamareeb
caasimada@live.com