Maareeye oo xilka ka qaaday agaasimayaashii SONNA, SNTV iyo Radio Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Isbedel ayaa lagu sameeyay qaar ka mid ah Agaasimayaasha Waaxaha Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Somaliya kadib digreeto ka soo baxday xafiiska Wasiirka Warfaafinta.

Agaasimihii Telefishinka Qaranka Liibaan Cabdi Cali ayaa xilkaasi laga qaaday, waxaana loo dhiibay Faarax Salaad Dharaar.

Agaasimihii  Wakaaladda Wararka SONNA ayaa xilkii laga qaaday, iyada oo xilkaas loo Magacaabey Cali C/qaadir (Cali Maykal).

Sidoo kale Agaasimihii Radio Muqdisho Cabdi Fitaax Daahir Jeyte ayaa xilkii laga qaaday, waxaana xilkaas loo Magacaabey Yaxye Cali Faarax.