Ahlu Sunna oo inta badan ka baxday Dhuusamareeb

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Ciidamada Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa lagu soo warramayaa in goor dhow ay isaga baxeen inta badan gudaha magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud.

Wararka ayaa sheegaya in Ahlu Sunna ay faarujisay xarumihii ay kaga sugneyd degmadaasi, marka laga reebo xarunta Inji oo uu ku yaallo xafiiska madaxa xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan.

Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa inoo sheegay in ciidamada Milatariga dowladda iyo kuwa nabad sugida Soomaaliya ay si nabad ah kula wareegeen xarumaha ay baneeyeen ciidamadaasi.

Lama oga sida ay xaaladdu noqon doonto, balse saaka aroortii hore ayey aheyd markii ciidamada dowladda ay qabsadeen degmada Guriceel, kadib iska hor imaad kooban oo ay la galeen ciidamada Ahlu Sunna Waljamaaca.

Guddoomiyaha xaafadda Horseed ee degmada Dhuusamareeb oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa ka warbixiyey dhaq dhaqaaqyada laga dareemayo magaaladaasi oo uu sheegay in ay xoog ku qabsatay dowladda Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuuxuu sheegay in amarkan uu bixiyey wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Maxamed Sabriye oo muddooyinkii la soo dhaafay ku sugnaa deegaanada dowlad goboleedka Galmudug.

Halkan hoose ka dhageyso Codka.