Muqdisho (Caasimada Online) – War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in wasiirkii horre ee arrimaha dibedda Soomaaliya, Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan in ay ka mid noqotay xubnaha baarlamaanka Soomaaliya.
Fowsiyo ayaa xilka ka badalatay xildhibaan kale oo la siiyay lacag badan siddii loogala wareegi lahaa xilkaas, siddaas waxaa noo sheegay xubin baarlamaan io ku sugan fadhigga baarlamaanka maanta oo Sabti ah.
Caasimada Online, ayaa xogtan shaaca ka qaaday dhowr maalmood ka hor. Halkan ka aqri
Marwo Fowsiyo oo ra’iisal wasaare ka soo noqotay xukuumadii Saacid ayaa xilkan kala wareegtay xildhibaan Ismaaciil xasan Jamac oo iska casilay sida uu sheegay.
Wariye ka tirsan Caasiamda Online oo ku sugan xarunta baarlamaanka ayaa sheegaya Fowsiyo ay hadda ku sugan tahay xarunta golaha baarlamaanka isla markaana xilka xildhibaannimo loo dhaariyay.
Xog badan laga mahayo waxa ku dhaliyay Marwo Fowsiyo in ay siyaasadda ku soo laabato iyadoo guuldaro weyn ka gaartay, balse waxaa la lee yahay waxa ay isku dhow yihiin madaxweynaha Soomaaliya oo ay isku xulufo ahaayeen isagaana loo badinayaa in uu ka dambeeyay in ay soo laabato.
Waxaa la sheegayaa inay jirto suurta-galnimada ah in Fowsiya ay xildhibaannimada u dooratay inay ku huwato xasaanad ay kaga bad baado dacwado kasta oo lagu soo oogi karo, kadib markii horey loogu eedeeyey musuq maasuq.
Fowsiyo tan iyo markii laga qaaday xilka wasiirka arrimaha dibedda waxa ay olole ballaaran ka waday magaalada Nairobi oo xarun ay ka dhigatay.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Muqdisho