Maamulka Shibis oo ka jawaabay codsi ka yimid Fanaan caa ka ah Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyaha cusub ee degmada Shibis Cabdi Fataax Xasan Cali oo la hadlay saxaafada ayaa sheegay inay ka jawaabeen codsi dhawaan uu soo dirsaday Fanaan Axmadey Abuubakar Al-Camaari, kaasi oo ku aadanaa in dalka lagu soo celiyo.

Fanaanka ayaa dhawaan codsi uu jeediyay wuxuu ku sheegay inuu ku xanuunsanayo dalka Yemen, uuna doonayo cid ka taageerta dhanka dib ugu soo celinta dalka Soomaaliya.

“Al Fanaan Camaari oo ah dadka deegaanka ayaa naga dalbaday inaan degmada keeno, waxaan fududeynaynaa imaanshihiisa, waa fanaan degmada gurigiisa uu ku yaalo” ayuu yiri gudoomiyaha cusub ee degmada Shibis.

Fanaanka oo dalabkiisa markii laga aqbalay kadib warbaahinta wareysi siiyay ayaa sheegay inay aad ugu mahad celinayo masuuliyiinta iyo shacabka degmada Shibis oo balanqaaday inay Ticket u dirayaan si uu dalka ugu soo laabto.

“Aad baan ugu mahad celinayaa maamulka Shibis, waa cusub baa u baryay qeyr ayaan u rajeynayaa Soomaalidoo dhan iyo dadka shibis ku nool”sidaasi ayuu yiri Fanaanka.

Fanaan Axmadey Abuubakar Al-Camaari, ayaa la filayaa in todobaadkan uu kusoo laabto dalka Soomaaliya.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com