XOG: DR Cali Macow oo Hargeysa ku xiran “Maxaa loo heestaa?”

Hargeysa (Caasimada Online) – Shabakadda Caasimada Online ayaa ogaatay in magaalada Hargeysa uu ku xiran yahay Dr Cali Macow Aweys oo ah takhtar caan isla markaana ku takhakhusay xanuunada Beerka iyo Dumarka.

Takhtarka ayaa ku xiran xarunta CID ee Hargeysa, kaddib markii ay soo xireen ciidamada ammaanka, siddaas waxaa noo sheegay sarkaal ka tirsan nabad sugida Somaliland oo didday magaciisa in aan soo xigano.

Dr.Cali Macow
Dr.Cali Macow

Maxaa loo heestaa Takhtarka?

Dhakhtarka toddobaadkan ayuu yimid Hargeysa oo waxaa uu waday barmaaj ballaaran oo ah in daaweyn iyo baaritaan caafimaad isugu jirrta oo  dad kor u dhaafaya 2700 oo qof, oo qaarkood ka yimid Muqdisho, Boosaaso, Gaalkacyo iyo Jigjiga ayuu rabay in uu la kulmo.

Dhakhtarka waxaa loo heestaa in muddo labo toddobaad ah uu daweeyo in ka badan 2700 oo qof kuwaasoo xanuuno kala duwan qaba, waxaana maamulka Somaliland ay ku yiraahdeen “Ma ahan wax suurta gal ah, waa in aad muddada aad joogeyso magaalada wax ku dartaa”

Waxaa intaas dheer dadkaas la baarayo ee u yimid Takhtarka waxaa kaarka ku galista goobta baaritaanka laga qaaday dhammaantood $150,000, sidda ay lee yihiin ilaha warkan noo shegay, laakin lacagtaas in ay sax tahay annaga ma hubno, balse waxaa hubaal ah in Dr. Macow uu ku xiran yahay Hareysa oo su’aalo la weydiinaayo.

“Dad kor u dhaafaya 2700 oo qof oo qaar ka yimid Somalia iyo Ethiopia oo laga qaaday 15o kun oo dollar, oo la socon baariytaan, dawo iyo arrimo kale ayuu qaatay Takhtarka wuxuuna lee yahay muddo labo toddobaad ayaan joogayaa dalka, ma meesha xoolo la buufinayaa dadka, waxaan ku niri war labo bil joog dalka. marka arrintaas ayaa loo heestaa, haddana su’aalo ayaa la weydiinayaa ee dhib kale ma laha” ayuu yiri sarkaalka noo warramay

Takhtarka in aanu iman Hargeysa ayaa la sheegay in imaatinkiisa laga baahiyay warbaahinta iyo Talafishanada af Soomaaliga ku hadla oo dadka la dhahay “Yaaney fursadaas idiin dhaafin”

Qaar ka mid ah wargeysyada ka soo baxa Hargeysa ayaa maanta ciwaan looga dhigay “Dr Cali Macow Aweys Budhcad Mise Dhakhtar ”

Dr. Cali Macow oo xarun caafimaad ku leh magaalada London ee dalka Ingiriiska ayaa la xiray 27-kii bishan oo ahayd Khamiistii.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com