Xog: Puntland oo kumanaan dollar ku bixisay doorashadii maamulka 3 gobal

Nairobi (Caasimada Online)- Shabaakadda Caasimada Online ayaa ogaatay in maamulka Puntland uu doorweyn ka cayaaray qabsoomida doorashadii shaley ka dhacday magaaalda Baydhabo ee lagu doortay maamulka seddaxda gobal.

Ilo xog-gaal ah ayaa u sheegay Caasimada Online in Puntland ay bixisay kumanaan dollar. Lacagtaas ayaa la soo diray maalintii Arbacada ee tododbaadkan, waxaana loogu talagalay in lagu qabto doorashadda oo uu ku guuleestay nin ay dhinaca hooyada walaalo ka yihiin Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ahaa maskaxda maamulka seddaxda gobal.

Puntland maxay u bixisay lacagtan?

Sidda ay lee yihiin ilaha warkan aan ka soo xiganay Puntland waxa ay ka soo horjeedaa maamulka lixda gobal oo dhor toddobaad ka hor isna lagu doortay Baydhabo.

Waxaa kaloo Puntland ay rabtaa in uu badbaado maamulka KMG ah ee Jubba oo madaxweyne uu ka yahay Axmed Madoobe.

Puntland iyo maamulka Axmed Madoobe waxaa ka dhexeeya xiriir fiican, waxaana Puntland ay dooneysaa in maamulka KMG ah ee Jubba uu badbaado.

Waxaa billowday is-baheesi ka dhexeeya maamulad aka dhisay dalka, waxaana taas ay caqabad kale ku noqon doontaa dowladda fedaraalka Soomaaliya.

Dhinaca kale, maamulka Axmed Madoobe ayaa soo dhaweeyay doorashaii shaley ka dhacday Hotel Bakiin.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

Caasimada@live.com