Fowziya Yuusuf oo kashiftay sir la xiriirta sida Somaliland ugu tiirsan tahay DF Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Fowziya Yuusuf Xaaji Aadan, oo horay usoo noqotay wasiirkii arrimaha dibada Soomaaliya, ayaa markii ugu horeysay ka dhawaajisay hadal aysan siyaasiyiin iyo mas’uuliyiin badan ku dhiiran, kaasoo ku saabsan dowladda federaalka iyo Somaliland.

Fowziya Yusuf, oo deegaan doorashadeed tahay Gobollada Waqooyi, ayaa shaacisay in mas’uuliyiinta maamulka Somaliland aysan xaqiiqda ka hadlin marka ay ka hadlayaan Soomaaliya iyo Somaliland, iyadoo ifisay in mas’uuliyiinta Somaliland ay marin habaabiyaan shacabka oo xaqiiqda aysan ka hadlin marka soo hadal qaadayaan Soomaaliya, iyadoo kafishtay in xiriir wada shaqeyn ay ka dhaxeyso wasaaraddaha Somaliia iyo Somaliland oo ay iska war qabaan.

Waxay tusaale usoo qaadatay xildhibaanada labo wasaaradood oo kala ah wasaaradda caafimaadka iyo waxbarashada oo warbixintooda ku keydsan yihiin hal computer, tusaale ahaana waxay shacabka la wadaagtay wasaaradda caafimaadka Somalia oo marka ay ka hadleyso arrimaha Coronavirus ee Somaliland in warbixintaasi ay soo dirto wasaradda caafimaadka Somaliland.

“Dadka runta haloo sheego, Wasaaradda waxbarashada iyo wasaaradda caafimaadka wey isku xiran yihiin waa hal computer waxa ka dhaxeeya, COVID19 laga qeylinaayo ee la leeyahay maxaa Muqdisho noo hadal haysaa, waan ogahay wasaaradda caafimaadkaan tegay Somaliland ayaa soo siisa warbixinta, intaas ayaa maanta naga dhimatay iyo intaasaa ka helnay viruska waxkasta ayaa ka dhaxeeya hadey ahaan laheyd amaanka, maxaa wax loo qarinayaa runta ha laga hadlo, waa taas passporka Soomaaliga Hargeysa lagu sameeynaayo,” ayey tiri Fowziya Yusuf Aadan.

Xildhibaan Fowziya ayaa ka codsatay in runta la sheego si horay loogu socdo maadaama labada dhinac ay iska war hayaan wax badana ay wadaagaan.

Fowsiyo Xaaji Aadan ayaa sidoo kale gujisay in kala bar ardayda Somaliland ay Muqdisho u yimaadaan helida shahaadooyinka Somalia, dokumentiyada kale, cid walbana oo Hargeysa dibada ugu safreysana ay ku duulaan passport Soomaaliga, taasoo bey tiri in aysan jiri karin sabab diidaysa is-dhexgalka labada dhinac.

Mar ay ka hadleysay mooshinkii lagu ansixiyay metelaada gobolka Banadir 13 subnood ku yeesheen aqalka sare ayey sheegtay in xildhibaanada waqooyi in 100% ay ku mideysnaayeen codeyntii maqaamka Banaadir, sababtoo ah, bey tiri “waxay eegayeen in caddaalad la helo, gobol 3 million ku nool sababta maqaam ugu yeelan weyday waa caddaalad daro, kuwa.

Xildhibaanada ayaa waxay kaloo ka hadashay dhibaatada isu socod la’aanta iyadoo sheegtay in qof Hargeysa ku dhashay in fasax looga qaado inuu booqdo qoyskiisa aysan habooneyn, iyadoo soo dhoweysay in qodobka wadahadalkii Jabuuti lagu soo qaaday isdhexgalka ay ku talisay in la adkeeyo oo dadku is-dhex-galaan.

Ugu danbeyntii Xildhibaan Fowsiya ayaa sheegtay in wax talo ah aysan ku laheyn wada hadalkii Jabuuti ka dhacay, balse madaxweyne Farmaajo uu la wadaagay iin guulweyn ay laga gaaray wada-hadala Somalia iyo Somaliland, waxayna sheegtay in Madaxweyne Farmaajo uu u sheegay xildhibaanada gobolada Waqooyi in uu u sheegay in lagu heshiiyay midnimo iyo in lasoo afjaro wada hadalada, wallow madaxweynaha Somaliland uu taasi dafiray.